Askari Kale oo Faransiis ah oo ku Dhintay Soomaaliya

Askari Kale oo Faransiis ah oo ku Dhintay Soomaaliya

Ururka al-Shabaab ayaa sheegay inuu geeriyooday askari labaad oo ka mid ah oo dhaawac ka soo gaadhay howlgalkii guuldareystay ee ciidanka Faransiisku ay ka fuliyeen deegaanka Buula-Mareer.

 
Ururka ayaa barta ay ku leeyihiin twitter-ka waxay ku soo bandhigeen sawir askari mayd ah oo ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidanka Faransiiska, mana cadda in maydku uu yahay askarigii dhintay maalintii weerarka iyo inuu yahay askari ay sheegeen inuu dhaawac ahaan u dhintay.

Afhayeen maanta oo Isniin ah u hadlay al-Shabab ayaa ku celiyey in Denis Allex uu weli nool yahay.

Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ka hadlay weerarka ciimada Faransiiska ee Buula-Mareer, ayaa sheegay in Mareykanku ay taageero dhanka farsamada ah oo xadidan ay siiyeen ciidankii Faransiiska ee fuliyey howlgalkii lagu soo furashada Denis Aex.
 
Waraqad la soo gaarsiiyey hogaamiyayaasha Congress-ka Axaddii shalay oo ka timid Aqalka Cad, ayaa Mr. Obama waxa uu ku sheegay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay hawada Soomaaliya galeen muddo kooban, laakiinse aaney xoogagga Maraykanku wax lug ah oo toos ah ku yeelan weerarkii Buulo-Mareer.
_______________________________________________________________

Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada