Balanta iyo la Kulanka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo lacag badan Noqotay(Daawo Sawir Muujinaya)

Balanta iyo la Kulanka Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo lacag badan Noqotay(Daawo Sawir Muujinaya)

Xili ay Dowlada Federaalka Somalia ay shaaca ka qaaday in ay ciribtireyso lana dagaalameyso Musuq maasuqa dilooday Soomaaliya ayaa hadana waxaa soo baxaya in musuq kii ugu Weynaa uu hada ka dhax jiro Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ayna sameenayaan Masuuliyiin Dowlada katirsan.

Musuqa ugu daran ayaa lagu eedeenayaa in uu Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia uu ka wado Ninka ku Magacaaban Chief Pratacolka Madaxtooyada Ibraahim Sheekh Muxudiin oo la sheegay in la kulanka iyo aragtida Madaxweynaha uu ka dhigay mid Beeso lagu gadanayo.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin siyaabo kale duwan ula Hadlay Bogan ayaa sheegay in Ibraahim uu adkeeyay in Madaxweynaha lala kulmo isagoona kala qaaday dadka Madaxweynaha la kulmaya xoogana saara cidii lacag siisa ama cida ay isku beel yihiin uuna u fududeeyo sidii uu Madaxweynaha ula kulmi lahaayeen.
 
Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayaa noo sheegay in ay ku adkaatay in uu la kulmo Madaxweynaha mudana la meer meerinayay markii dambana loo sheegay hadii uu Doonayo in uu Madaxweynaha la kulmo in uu jid mar ama lacag uu iska dhiibo taasina ay kunoqotay arin uu ka naxo uuna ka fileyn in Madaxtooyadii Qaranka Soomaaliyeed uu kula kulmayo arimo Nuucaasi ah.


Chief Pratacolka Madaxtooyada Muxudiin ayaana la sheegay in uu yahay Mashiinka dhaqaajinaya Musuq Maasuqa kasocda Madaxtooyada iyadoona Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada katirasan Baarlamaanka Somalia ku baaqay in wax laga qabto arintan hadii kale ay fashil ku dhamaan doonto Siyaasada Dowlada maadaama dadka la kala saarayo hadana lacag laga dhigay la kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia.

Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah Dowlada ay awooda badan leeyihiin Xubno aqoon yahano ah inta badana aan looga baran Musuqa iyo kala sareynta dadka balse ay kujiraan Xubno yar oo wasaqeenaya Magaca Dowlada ayna muhiim tahay in Dowlada ay ka hortagto dadka sidaa u shaqeeya .


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada