Ismaaciil Xasan “ Waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan Nin Wadankaadii kuugu Dilaya Kiisa Kuuma Dhaafo” iyo Dhaqaalihii Wadanka Kenya oo Maraya halkii ugu Xumeyd.
Tan iyo markii Ciidamada
Kenya ay soo galeen Gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka
Bishii Oktoobar ee 2011 ayaa waxaa Dalka Kenya ka Bilowdey Qaraxyo ,
Dilal , Dagaalo hase yeeshee gelitaankaasi waxaa uu keenay in Ciidamada
Kenya ay si toos ah u dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed oo markii hore
halkaa u tagey in ay ka helaan Nabadgelyo.
Dhibaatadaas waxay
saameeyeen Dadka Soomaaliyeed kii ka soo jeedey “Gobolka Waqooyi bari”
iyo kii ka tagey dalka Soomaaliya waxaana dadka Soomaaliyeed lagula
kacay Dil, Xarig Hanjabaad iyo Boob iyadoo si gaar ah loo
Bartilmaameedsadey qof kasta oo Soomaali ah meeshuu doono ha ka yimaado ,
waxaana Xabsiyada dalkaas ka buuxa dad fara badan oo Soomaali ah iyadoo
Dawlada Kenya arritaan uga timid Dhaleeceeyn aad u weyn.
Dadka soomaaliyeed ee ku
noolaa Mudada dheer Wadankaasi kuna ganacsanayey Hanti aad u balarana
ku yeeshey ayaa Bilaabey in ay dib ugu soo laabtaan dalka Soomaaliya
waxaa dadkaasi dalka Kenya uga baxayaan Diyaarado iyo Gaadiidka dhinaca
Dhulka ah , waxaana Gobolada Soomaaliyeed maalin weliba ku sii qul
qulaya dad fara badan oo ka yimid Wadankaasi qaarkood waxay soo
Xaraasheen Hantidii ay ku lahaayeen ha noqoto Guryihii dhaadheeraa ee ay
halkaasi ka dhisteen sidoo kale waxay Xaraasheen Hantidii kale ee ay ka mid ahaayeen Gawaari iyo Badeecooyinka kale .
“Markii horeba dhib baan
ku qabney Ciidamada Kenya marka waxaan leeyahay dadka Soomaaliyeed ee
weli ku Harsan Wadankaasi oraahdaan “Nin Gurigaadii kuugu dilaya kiisa
kuuma Dhaafayo” ee inta ay goori goor tahay wadankaasi isaga soo baxa
meel idiin ka wanaagsan ma jirto Wadankaada “ayuu yiri Ismaacil Xasan oo
aan kula kulaney mar uu ka soo degey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada
Muqdisho.
“Weligeen dadka
Soomaaliyeed Madaxfurasho ayaa loogu haystey Wadanka Kenya
Madaxfurashadii baa sii balaaratey oo ku darsantey Dil iyo Boob marka
waxaa dadka Soomaaliyeed aan kuula talinayaa in sida ugu dhaqsiyaha
badan uga soo guuraan Dalkaasi oo wadankooda Maalgashadaan “ayey tiri
Xaawo Cali oo markii ay ka soo degeysey Garoonka wadatey dhowr Caruur ah
iyadoo sii raacisey “Waa Ilaah Mahadii haddi aan dib ugu soo laabtey
Wadankeygii .
Qulquka dadka
Soomaaliyeed ee Wadanka Kenya waxaa la sheegey in uu dhabar jab ku
noqdey Dowlada Kenya waxaana la xaqiijiyey in dhaqaalihii ka soo geli
jirey Dowlada Kenya Ganacsiga dadka Soomaaliyeed uu hoos u dhacay, sidoo
kale waxaa ugu darsamey markii iyana uu hoos u dhacay Dhaqaalihii ka
soo Xaroon jirey dadka Dalxiiska ah waxaana dadka Saadaaliya Dhaqaalaha
Kenya waxay sheegeen in Kenya uu ku soo fooleeyahay Qalalaase Dhinaca
Dhaqaalaha ah kii ugu weynaa waxaana Durba dalkaasi ka bilowdey in
Bankiyada lagala baxo Lacagaha, sidoo kale Dhaqaalihii ay ka heli jirtay
Dowlada Kenya Xeryaha Qaxootiga ee dadka Soomaaliyeed ku lahaayeen
Wadankaasi oo isagana meesha ka sii baxaya, hadaba la arki doono waxa uu
ku damabeeyo wadanka Keny.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:06 and have
, Published at