Barta Twiterka Al-Shabaab oo Xanibaad la duldhigay, hawadana laga saaray (Waa Maxay sababta?)

Barta Twiterka Al-Shabaab oo Xanibaad la duldhigay, hawadana laga saaray (Waa Maxay sababta?)

Barta Twiterka Al-Shabaab oo qofna uusan qarin karin inay aheyd mid kamid goobaha ay Al-Shabaab kula gor gortamaan dowladaha ay dagaalaka kula jiraan kunasoo bandhigaan waxyaabaha ay doonayaan iyo ajaanibta ay heysataan ayaa maanta la xanibay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab iyo Wargeysyadooda ayaa lagasoo xigtay inay xaqiijiyeen xanibaada lagu sameeyay barta Twiterkaf @HSMPress ee Shabaabka ay leeyihiin iyagoona sheegay in mudooyinkii dambe Shirkada Twitterka lagu cadaadinayay inay xirto qeybta Shabaabka .

Waxaan wali la ogeyn in xayiraada la saaray qeybta @HSMPress ee Al-Shabaab barta twiterka ka adeegsan jireen inay tahay si kMG ah iyo in si toos ah loo xiray balse qaar kamid ah Wakaaladaha ayaa qoraya in arintan ay tahay qorshe lagusoo afjarayo inay Shabaab isticmaalaan Twiterka .

Websiteyada Shabaab taageera ayaa ku andacoonaya xanibaada lagu sameeyay ay tahay qeyb kamid ah cunaqabateynta lagu hayo

dhaqdhaqayada Al-Shabaab ay ku haminayeen waqtiyadii dambe oo aduunyada ay uga iibinayeen Fikiradohooda.

Xarkada Al-Shabaab ayaa shaacisay inay sii qiyaasayeen in la xanibayo qeybta ay Twiterka ku leeyihiin maadaama ay maalamahan si dar dar ah usoo galinayeen warar hanjabaad u badan iyo ajaanib ay heystaan oo ay kula gorgortamayaan dalalka ay u dhasheen .

Qeybta @HSMPress ee Al-Shabaab ay twiterka ku leeyihiin ayaa la diiwaan galiyay sanadii 2011kii,iyagoona markasta ku fakari jiray in mar un laga xirayo .

Dowladda Mareykana shalay ayay sheegtay in Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ay ugu jawaabeyso wararka been abuurka u badan ee Twiterka ay soo dhigaan .

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada