Cameron oo ku baaqay in afti laqaado

Cameron oo ku baaqay in afti laqaado

Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
Isaga oo ku jiray khudbad in muddo ah la sugayay ayaa waxa uu Mr Cameron sheegay in codbixintu ay noqon doonto waan ka mid ahaaneynaa iyo waan ka baxaynaa, isla markaana la qaban doono dhammaadka sanadka 2017.

Waxa uu sheegay in taasi ay raaci doonto in dib looga wada xaajoodo shuruudaha xubinimada Britain.
Mr Cameron waxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu ahayn mid Britain gooni u saaraya, laakiin uu doonayo xiriir Britain ku haya Midowga Yurub.
Waxa uu sheegay inay jirto kala fogaansho sii koroya oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo dadka u dhashay, taasi oo laga dareemayo dalkan Britain.
Mr Cameron waxa uu sheegay in la gaaray xilligii dadka British-ku ay aragtidooda ka dhiiban lahaayeen, maadaama buu yiri ay ujeedadii guud ee Midowga Yurub ay wax iska bedeshay tan iyo markii la aasaasay.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada