Haweeneey 56-jir ah oo Dil lagu xukumay ka dib markii la qabtay iyada oo Daroogo galineeysa Dal Islaam ah (Daawo Ceebta dhacday)

Haweeneey 56-jir ah oo Dil lagu xukumay ka dib markii la qabtay iyada oo Daroogo galineeysa Dal Islaam ah (Daawo Ceebta dhacday)

Dalka Indonesia waxaa ku nool Muslimiinta ugu faraha badan Dunida waxaana dalkaas xukun adag lagu fuliyaa qofkii lagu qabto isaga oo soo galinaya nuucyada kala duwan ee Daroogada halista ah. Haweeneey 56-jir ah una dhalatay dalka Ingiriiska ayaa lagu qabtay 5 Kg oo Daroogo Kookaain ah iyada oo soo galineeysa garoonka magaalada loo dalxiiska tago ee Bali. 

Haweeneeydaan oo Telefoonada gacanta laga dhageeystay waxaa banaanka garoonka Diyaaradaha magaalada Bali ku sugayay 3 nin oo u dhashay dalka Ingiriiska iyo mid kale oo u dhashay dalka India. 

Haweeneeydaan oo ceeb iyo fadeexo darteed Wajiga qarsatay xiligii lagu xukumayay Maxkamada dhexdeeda ayaa waxaa sidoo kale kiiskaan ku guul dareeystay qareenkii difaacayay kaas oo Maxkamada ka codsaday in lagu xukumo kaliyah 15 sano oo xarig ah. Arinta ugu yaabka badan ee Telefishinada Caalamka laga daawanayay ayaa noqotay Haweeneeydaan oo aad ugu rajo wayneeyd in lagu xukumo dhoor sano oo xarig ah balse Xaakimkii Maxkamada ayaa mar quraa ku dhawaaqay xukun Dil ah . 

Halkaan ka Daawo Ceebta dhacday Qof Weeyn oo Daroogo lagu qabtay hadane Dil lagu xukumay

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada