Dowlada Ingiriiska Ayaa Ugu Deeqday DFS Lacago Lagu Dhiso Xabsi Lagu Xero Burcad Badeeda Somalia

Dowlada Ingiriiska Ayaa Ugu Deeqday DFS Lacago Lagu Dhiso Xabsi Lagu Xero Burcad Badeeda Somalia

Xilli hoos ay u dhacayeen weerarada ay qaadayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan,ayaa waxaa jira dowlado isku taxluujinaya sidii gabi ahaanba loo ciribtiri lahaa burcad badeeda iyo qatartooda.

Dowlada Britain oo ka mid ah dowladaha sida weyn kaga soo horjeeda falalkooda guracan, ayaa waxay howlgalka Athlanta ee ka socda xeebaha Soomaaliya ku bixisay lacag gaareysa £2.2m,taasi oo ay ugu talagashay in Soomaaliya ay kaga caabiso la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Lacagtaan dowlada ingiriiska ay ku deeqday Soomaaliya ayaa waxay shaacisay inay qeyb ka tahay qorshe la doonayo in xabsi lagu xiro burcad badeeda Soomaalida laga hirgiliyo magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland.iyo sidoo kale in dhiiragalin looga dhigo howlgalka caalamiga ah ee lagula dagaalamayo shufta badeeda Soomaalida ee ka socda xeebaha Soomaaliya.
Ujeedada dhabta ah ee lacagtaan ugu deeqday Soomaaliya dowlada Ingiriiska ayaa ah mid lagula xariirinayo inay fududeyso si wax loogu qabto burcada badeeda, hadii noqon lahayd xabsiyadeentooda oo gudaha Soomaaliya lagu

xiro.
Wasiirka xafiiska arimaha dibada ayaa tibaaxay in weerarada burcad badeeda ay qaadi jireen ka hoos mareen sidii ay ahaan jireen.xaaladana laga yaabo in sidii ay ku soo noqoto hadii faraha laga qaado.
Mr Burt ayaa isagoo hadalkiisa sii wata waxuu intaasi raaciyay in qatarta burcad badeeda kaliya aysan haysan Soomaaliya balse ay jiraan weeraro wal wal abuuraya oo ka jira gacanka Guinea,xeebaha galbeedka Africa iyo goobo kale oo aad u badan.
Ugu dambeyntii Mr Burt ayaa xaqiijiyay in burcad badeeda Soomaalida wali gacantooda ay ku danbeeyaan 108 Maraakiib iyo shaqaalo saaran,kuwaasi oo ay haysato daruufooyin kala duwan oo dhanka nolosha ah,iyagan waxuu sheegay in ku dadaali doonaan sidii ay u soo badbaadi lahaayeen dadkaasi lahaaystayaasha ah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada