Daawo Sawirro Dabaal degga Muqdisho loogu sameeyay sagootinka sanadkii hore iyo soo dhaweynta sanadkaan curdanka ah.

Daawo Sawirro Dabaal degga Muqdisho loogu sameeyay sagootinka sanadkii hore iyo soo dhaweynta sanadkaan curdanka ah.

dabaal daga 2013, mugdisho

Habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay gobalka Banaadir fantasto cajiib ah, waxaana xafladii ugu wacneyd ay ka dhacday degmada Howl-wadaag halkaas oo ay uga qeyb galeen fantasyada bulashada dhinacyadeeda kala duwan.

Dabaal degaasi dhinacyada ka qeyb galay waxaa kamid ah gudoomiyaha gobalka Banaadir, gudoomiyayaasha degmooyinka Warta Nabadda, Waaberi, Xamar Jajab, taliska ciidanka police-ka gobalka Banaadir, fanaaniin, barbaarta gaashaaman, bulashada dhinacyadeeda kala duwan iy ubaxa degmada Howlwadaag.

Munaasabaadaasi intii ay scotay waxaa lagu soo bandgigay Gabayo, Heeso iyo Riwaayado lagu soo dhaweynayo sanadka cusub laguna sagootinayo sanadkii tegay, waxnaa sidoo kale lagu muujinayay sida degmada Howl-wadaag ay u gaartay horumarka lataaba karo ee ay kutalaabsatay.

Dhamaan masuuliyuiintii munaasabada ka hadashay waxa ay ku amaaneen gudoomiyaha degmada Howlwadaag, Maxamed Abuukar Cali, (Jacfar) qaabka uu horumarka lataaban karo u gaarsiiyay degmadiisa iyada oo ay ugu muhiimsantahay hanaanka uu u qaabilay Suuqa Bakaaraha oo uu kasoo saaray Suuq cajiib ah.

Munaasabada waxaa soo xiray kadib markii uu curtay sanadii lasoo dhaaweynayay gudoomigha Howlwdaag, waxa uuna uga mahad celiyay shacabka degmadiisa qaabka ay uga qeyb qaateen horumarinta degmada isaga oo hoosta ka xariiqay in la’aantood aan cid wax qaba kartaahi aysan jirteen.









































Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada