Waxaa Maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofay Wafdi balaaran uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa u dhoofay Dalka Sudan iyadoona lasoo sheegayo in Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda ay gaareen Caasimada Sudan ee Khartuum halkaasna si weyn loogu soo dhaweeyay .
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Khartuum kusoo dhaweeyay Dhigiisa Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir iyadoona Madaxweynaha loo galbiyay goob gaar ah oo loogu tala galayMadaxweynaha iyo wafdigiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiigisa ayaa ujeedka Socdaalkooda lagu sheegayay in ay kaga qeyb galayaan Sanadguuradii 57-aad ee kasoo Wareegtay Markii Dalka Sudan ay xuriyada ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska ee gumeesan jirtay.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:17 and have
, Published at