Daawo Sawirro R/Wasaaraha oo socod ku maray Xaafadaha Muqdisho lana sheekeynaya Haween iyo Caruur.

Daawo Sawirro R/Wasaaraha oo socod ku maray Xaafadaha Muqdisho lana sheekeynaya Haween iyo Caruur.

Shardoon
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka booqasho ku maray goobaha kala duwan ee ay ku sugan yihiin ciidamada ka hawlgala madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

R/wasaaraha ayaa socod ku maray goobaha Ilaalada, deegaanada iyo barxadaha nasashada ee ciidamada isagoona xogwareysiyo kala duwan la yeeshay saraakiisha iyo askarta uu kula kulmay goobahaasi.

Mudane Saacid ayaa salaan ka qaatay cutubyada kala duwan ee ku sugnaa goobahaasi, waxana R/wasaaruhu u muujiyey ciidanka sida ay uga go’antahay Xukuumaddiisu sidii ay mudnaanta koowaad u siin lahayd ciidanka, si loo daboolo dhamaan baahiyada kala duwan, waxa kale oo uu la kulmay ciidamo dhaawacyo kala duwan qaba iyo kuwo jiran oo uu sheegay in si deg deg ah xaaladooda caafimaad wax looga qaban doono.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale booqday xaafadaha ku yaalla aagagga ciidamadu daganyhiin, isagoona halkaas kula sheekeystay dadka shacabka ah ee ku nool xaafadahaas.

Ugu dambayntii R/wasaaraha dalka ayaa u rajayey ciidanka Qaranka in sanadkan cusub uu noqon doono mid ay helaan dhammaan xuquuqdooda kala duwan si dalka looga xoreeyo kooxaha nabad-diidka ah.


































Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada