Gudoomiyaha gobalka Banadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo afkiisa laga fujin la’yahay erayo cajiib ah.

Gudoomiyaha gobalka Banadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” oo afkiisa laga fujin la’yahay erayo cajiib ah.

Tarsan

Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” duqa Magaalada Muqdisho ayaa waayihii danbe waxaa afkiisa laga fujin la’yahay erayo markii hore uusan sidaa ugu firfircooneyn.

Tarzan ayaa xaflad kasta ama munaasabad kasta oo uu ka hadlo waxa uu ku celceliyaa “Hala bixiyo Canshuurta” arintaas oo dad badan oo Soomaali ah ka yaabisay, kadib markii Isbaarooyin waaweyn oo Muqdisho uu kulahaa ay kamid noqdeen Isbaarooyinkii daadku qaaday.

Xilligii Isbaarooyinku u shaqeynayeen Tarzan, sidaan uguma cel celin jiray erayada laxariira Canshuurta hasa yeeshee waxa ay arintaani soo shaac baxday kadib markii madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh uu amar ku bixiyay in aan Isbaaro la’arki Karin cid waliba oo ay u taallo.

Dadka indha indheeya arimaha dalalka guul dareestay ayaa waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in waxyaabaha ka keenaya Tarzan qeylo dhaanta dhaqaala doonka ah in ay tahay yaraansho kuyimid daqligii tirada badnaa ee kasoo geli jiray jidgooyooyinka Shacabka lacagaha looga guranayay.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada