Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Hore Ee Semi-finalka Coppa Italia Ee Juventus v Lazio.

Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee Lugta Hore Ee Semi-finalka Coppa Italia Ee Juventus v Lazio.

Kulanka: Juventus v Lazio
Garoonka: Juventus Arena
Waqtiga: 10:45 p.m SGA (Saacada Geeska Afrika)
LINE-UPKA MACQUULKA AH:
JUVENTUS
Storari
Barzagli, Marrone, Peluso
Isla, Pogba, Pirlo, G’ini, De Ceglie
Matri, Vucinic

Marchetti
Konko, Biava, Dias, Lulic
Candreva, G’lez, Ledesma, Hernanes, Mauri
Floccari

Koob ayaa u soo muuqda labada kooxood ee Juventus iyo Lazio iyagoo isku dhacaya caawa lugta hore ee semi-finalka Coppa Italia.
Bianconeri ayaa kulankaan ciyaareysa iyagoo 4-0 kaga soo badiyay sabtidii kooxda Udinese, halka Biancocelesti ay barbaro 2-2 ah la galeen Palermo kulankoodii ugu danbeysay.
Iyadoo shan dhibcood kaliya ay kala saareysa labada kooxood kala sareynta horyaalka Serie A, kooxdii badisa kulankaan Coppa Italia waxa ay siin doontaa niyad wanaag sarre oo ku aadan tartanka horyaalka.
Juve waxaa ka maqnaan doona qaar badan oo ciyaartoydooda ah Giorgio Chiellini, Simone Pepe, Nicklas Bendtner iyo Marchisio ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan, halka  Miroslav Klose, Ederson iyo Abdoulay Konko ay iyagana ka maqan yihiin Lazio.
MA OGTAHAY?

  • Juventus ayaa laga yaabaa inuu ka maqnaado Claudio Marchisio, laakiin Paul Pogba ayay fursad u tahay oo male ku soo bilaaban doona kaasoo labo gool ka dhaliyay Udinese sabtidii.
  • Bianconeri ayaa koobkaan Coppa Italia kor u qaaday sagaal jeer.
  • Sebastian Giovinco iyo Fabio Quagliarella ayaa ah labada ciyaaryahan ee kooxda Juve ugu goolasha badan xilli ciyaareedkan, waxaana ay leeyihiin min lix gool.
  • Maqnaanshiyaha Miroslav Klose ayaa laga yaabaa inay ku adkaato Lazio, madaama uu 10 gool u dhaliyay xilli ciyaareedkan.
  • Kooxda Vladimir Petkovic ayaa 3-0 ku soo dardartay Catania si ay ugu soo gudbaan semi-finalka oo ay u la ciyaaraan Juventus.
  • Labada kooxood ayaa barbaro goolal la’aan ah ku kala baxay kulankoodii ugu danbeeyay ee bishii November.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada