Kulamo Xiiso Leh Oo Caawa Dhacaya Ivory Coast Iyo Togo Oo Isku Dhegan, Tunisa Iyo Algeria Oo Qoorta Isagu Jira.

Kulamo Xiiso Leh Oo Caawa Dhacaya Ivory Coast Iyo Togo Oo Isku Dhegan, Tunisa Iyo Algeria Oo Qoorta Isagu Jira.


Waxaa caawa la ciyaari doonaa kulamo xiiso leh oo ka tirsan Group D ee koobka Qaramada Afrika ee si habsami leh uga soconaya South Afrika, kulamada caawa ayaana ah gabagabada wareega 1aad ee group-yada.
Kulanka ugu soo horeeya oo la ciyaari doonta 7pm SGA ayaa fooda isgeli doona xulka ugu cadcad tartankaan ee Ivory Coast iyo xulka Togo, iyadoo Cote d’Ivoire ay dooneyso inay ku bilaabato sida caadada u aheyd si fiican kulanka ay wajahayaan xulka Togo oo aan la sadaalin karin.
Xiddigo isyaqaana ayaa kulankaan iska horimaan doona, Emmanuel Adebayor ayaa hogaaminaya xulka Togo waxaana uu ka horimaan doonaa xiddigo ay ka mid yihiin Didier Drogba, Kolo Toure, Yaya Toure iyo Gervinho.
Waxaana caawa Royal Bafokeng Stadium laga filayaa inay ka soo baxdo ciyaar xamaasad leh.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

COTE D’IVOIRE
AngolaCopa
Bamba, Toure, Tiene
Toure, Zokora, Gradel, Tiote
Drogba, Gervinho, Traore

TOGO

Morocco
Kossi
Dare, Mamah, Sadate, Bossou
Komlan, Segbefia, Alaixys, Dove
Adebayor, Ayite

Kulanka labaad ee Group D caawa waxaa isku dhici doona labada xul ee xafiiltanka ba’an uu ka dhaxeeyo ee Waqooyiga Afrika Algeria iyo Tunisia, iyadoo ciyaartaas ay dhici doonto 10pm SGA.
Labadan xul ayaa hore u soo qaaday koobka Qaramada Afrika, Tunisia waxa ay ku guuleysatay 2004tii halka Algeria ay ku guuleysatay 1990kii.
Algeria ayaana badisay kulankii ugu danbeysay ee labada xul kaasoo ahaa ciyaar saaxiibtinimo sannadii 2011 iyagoo ku badiyay 1-0.
Kulamada waji ka wajiga Algeria ayaa sidoo kale ku gacansareysa 20 jeer Algeria ayaa badisay, halka 14 jeer ay badisay Tunisia islamarkaana 13 kulan ay ku kala baxeen barbaro.
Algeria ayaa guushii ugu weyneyd ee ay ka gaarto Tunisia waxa ay aheyd 8-0 sannadii 1958dii.
LINE-UPKA MACQUULKA AH:

TUNISIA


Mathlouthi
Gharbi, Alheishri, Abdennour, Boussaidi
Mouelhi, Saihi, Hammami, Msakni
Jemaa, Khelifa
ALGERIA


M’Bolhi
    Mesbah, Bougherra, Belkalem, Medjani
Lacen, Kadir, Feghouli, Boude
bouz
Soudani, Slimani


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada