Faysal Cali Waraabe: "Aqoonsiga DF-ka ay ka Heshay Mareykanka Jug Weyn buu ku yahay Somaliland"

Faysal Cali Waraabe: "Aqoonsiga DF-ka ay ka Heshay Mareykanka Jug Weyn buu ku yahay Somaliland"

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga dowladda Mareykanka ay siisay maamulka Xasan Sheekh uu caqabad weyn ku yahay dadaaladii ay ku doonayeen in Somaliland ku naqato dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha Ururka Ucid ayaa sheegay in aqoonisgii Somaliland uu ceel kusii dhacayo maadaama DF-ka ay aqoonsi ka heshay mid kamida wadamada ugu weyn Reergalbeedka.

Waraabe oo lahadlayay Idaacadda BBC-da laanta Afka Soomaaliga ayaa sheegay in Somaliland ay dhibaato weyn ku qabto aqoonsiga xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud. 

“Dalku wuxuu ka koobnaa Somaliland iyo Soomaaliya, inay dhinac qura ictiraaftaa waqtigan ma ahayn, maadaama hada labadii dhinac wada hadlayaan, markaa waxaan u aragnay tan iminka ay sameysay in ay jug weyn ku tahay Somaliland iyo xitaa wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya wax weyn ayay u dhimeysaa baan u aragnaa"ayuu yiri Faysal Cali Waraabe. 

Qeyla dhaantan kasoo yeertay maamulka Somaliland ayaa kusoo aadaya xilli Xasan Gurguurte uu socdaal ku marayo dalka Mareykanka isagona kulamo uu laqaatay madaxda wadankaasi loo sheegay in dowladiisa la aqoonsanyahay.

Gobolada Waqooyi Galbeed Soomaaliya ayaa billaawgii sagaashameeyadii markii ay burburtay dowladdi Siyaad Barre ku dhawaaqay in ay yihiin dowlad ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada