Gabar ILLAH hanuunshay iyo wiil xuman ladonay (Qiso Dhab Ah)

Gabar ILLAH hanuunshay iyo wiil xuman ladonay (Qiso Dhab Ah)

Wuxuu yiri ”Waxaan ahaa mid aanan tukan salaadda, sigaarka afuufa, xumaha iska walaaqdo, ma aanan dareensaneen dembi, toobana haba sheegin. Waxaan ku farxi jirey inaan ahay Muslim, naxariista Rabbina ay weyntahay, laakiin waxaan illawsanaa in ciqaabtiisu ay daran tahay, qabashadiisuna aanan laga baxsan karin. Weligey masjidka ma geliin, inkastoo uu weli ii dhawaa.

Xilli kasta waxaan maqli jirey aadaanka salaadaha, laakiin ma ajiibi jirin. Bisha Ramadan markay soo gasha, waa bisha kaliya ee aan tukan jirey, waana soomi jirey.

Ma aqaan sababtu, ma bishaas ayaan caabbudi jirey. Sidaas oo ay tahay xataa bishaas ma geli jirin masjidka. Habeenkii waxaan u degi jirey si aan saaxiibadeyda ula soo dhafro. Marmarna galab hore ayaan bixi jirey oo aan magaallada geli jirey. Kama aan fikiri jirin guur iyo carruur iyo mustaqbal midna inkastoo aan wax ku darsaday da’dii 35aad.

Markkaan gurigeyga kasoo baxaya ayaa waxaan jidka horteyda ku arki jiray gabadh iyada dhan wada xijaaban, oo masjidka inoo dhaw galaysa. Waxaan iska dhaadhiciyey si aan gabadhaas kula hadli lahaa oo aan gurigeyga ku keensan lahaa. Nafteyda xumaan ayay iiqurxineysaa, iima muuqata heybada iyo sharafta ka muuqata gabadha. Markay socota waxaad mooddaa waddada ka bax in la yiri, derbiga ayay isku dhejin jirtay. Inta badan waxaan arki jirey ayadoo u socota salaadda Casarka.

Waxaan goostay inaan la hadlo, laakiin iima jawaabto, dhowr galab haddii aan sidaasi u bartilmaameedsan jiray bay i dhibsatay, galabtii dambe ayayna go’aansatay inay ila hadasho. Meel aan albaabka gurigeyga ka fogeyn ayay mareysay. Markaasay igu tiri ”Maxaad iga rabtaa walaal”? Waxaan ku dhahay ”Waxbo soo dhaaf, gurigeyga soo gal, waa keligey oo qura, cidna ma joogta,
Marka aan hadalka iyo kaftanka ku badiyey, oo ay u jeedda iyadana inaan ahay qof Ilaahay ka fog, ma i canaanan, mana igu xanaaqin, balse waxay igu xirtay shuruud inay gurigeyga soo gasho. Waxay tiri

”Gurigaada waan soo geli doonaa, weliba sariirtaada waan ku fadhiisan doonaa, haddii aad kasoo baxda shuruuddan”.
Intaan farxay ayaan kudhahay, ”Maxay tahay shuruudda, wallaahi waan kasoo bixi doonaaye”? Waxay tiri ”Afartan casho (40 maalin) waa inaad masjidka ku tukataa salaadaha, oo aad casarkii iyo subaxa kadib aad dhagaysata duruusta masjidka inshallaah. Kadib anna waan kuu fulin doonaa ballantii.

waan yeeli doonaa” ayaan kudhahay, kadibna way baxday. 

Halkii baan howshii ka billaabay aniguna anoo fulinaya ballantii, laakiin labo usbuuc gudahooda anigii dhan waan is baddalay. Waxaan is arkay anigoo ooynaya mar walba markii aan ogaaday halka aan kusocday iyo baadida i haystay, mar kasta waan ka shallaayaa inaan illawsanaa hadalkii nebigeenna suubban (NNKH) ee ahaa annaga (Muslimiinta ah) iyo iyaga (Gaalada) xarigga inoo dhexeeya waa Salaadda, kii ka tegaana waa gaal. 

Toobad nasuuxa ayaan toobbad keenay, waxaana intaa kadib noqday qof ka qoomameeyo falkii uu sameyn jirey, waxaana noqday qof masjidka ku xiran oo salaad kasta safka hore taagan. Waxaan heley raaxo iyo iimaan, inkastoo aan ooyn jirey markastoo aan soo xasuusto falalkeygii xumaa.

Subaxii ay 40 cisho kasoowareegtay ayay ii timid gabadhii, salaanta Islamka kadib waxay igu tiri, haye ma kuu fuliyaa ballantaadii? Waxaan kudhahay ”Macaadallaah!! walaasheyeey!! aad baan uga shallaayaa hadalkii aan ku dhahay, dhanka kalena waxaan ku farxaa inaad hanuunkeyga sabab u noqotay, orod iska laabo Allaha ku xifdiyee!!!”.

Waxay igu tiri ”Walaalkayoow!! waxaan ku kalsoonnaa Rabbigey inaanu i dulleyn doonin, in badan ayaanna ku hanweynaa inuu ducadeyda aqbali doono, oo uu ku hanuunin doono, kana masixi doono laabtada wixii ku jirey. Mahad waxaa iskaleh Allihii ajiibay baryada addoontiisa, ee dhowray addoontiisa”. Ayadoo ilmeyneysa ayay sidaas tiri, aniguna intaan madaxa fooriyey ayaan la ilmeeyey!!.

Muddo yar gabadhii markay aragtay wanaaggeyga iyo sida aan mar walba masjidka ugu xiranay, way ila soo xidhiidhay, waxayna iisoo bandhigtay guur. Kaalmada Alle darteedna wuu inoo fududaaday guurkaas, waxayna noqotay xaaskeyga aan jeclahay. Waxayna noqotay gabadhii ababta u noqotay hanuunkeyga.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada