Shirkado Xawaaladeed oo lacago aad u badan oo lagu soo rogay darteed Al-baabada leesugu dhuftay (Aqri lacagaha lagu soo rogay inta ay la’egyihiin)

Shirkado Xawaaladeed oo lacago aad u badan oo lagu soo rogay darteed Al-baabada leesugu dhuftay (Aqri lacagaha lagu soo rogay inta ay la’egyihiin)

Maamulka Gobalka Sh. Dhexe ayaa waxa ay lacago tira badan kusoo rogay Shirkadaha Xawaaladaha ee kahowl gala magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Sh. Dhexe, iyada oo Shirkadihii ay ku adkaatay in ay bixiyaan lacagahaasi.

Shirkadahaasi laxiray ayaa lashegay in lagu dalacay $1,000 (Kun doolar) ayna culeys ku noqotay, sidaa darteedna ay door bideen in ay albaabada isugu dhuftaan, waxa uuna sheegay afhayeenka gobalkaasi in ay muhiim tahay in ay lacagaha laga doonayo bixiyaan hadii kale aan lafuri doonin.


Waxa uu intaa raaciyay in Shabaabkiiba lacagta ay siin jireen Shirkadahaasi oo lagu qiyaasay 10 shirkadood, wixii hada ay u diidaanna gardarro cad iyo dowlad diidnimo tahay.

Xarigga Shirkadahaasi waxaa lasheegay in ay ka carooden shacabka oo in badan oo kamid ah ay xaqul biilkooda ka qataataan shirkadaha oo ay eheladooda lacagaha ugu soo xawilaan.

Maamulka Sh. Dhexe ayaa waxa uu noqnayaa maamulkii ugu horeeyay ee shirkadaha xawaaladaha Abaabada iusugu dhufta tan iyo markii Al-shabaab looga awood roonaaday dagaalka ay kula jiraan.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada