Mareykanka oo gows danbeedka ka qoslayay labadii maalin ee tagtay (Sababtu maxey tahay? Aqri sheeko xiiso badan).

Mareykanka oo gows danbeedka ka qoslayay labadii maalin ee tagtay (Sababtu maxey tahay? Aqri sheeko xiiso badan).

Dowlada Mareykanka ayaa wixii ka danbeeyay weerarkii fashilmay ee Faransiisku ku qaaday koofurta Soomaaliya, waxa ay hoos isugu sheegayeen in ceebtii sagaashameyadii ka raacday Soomaaliya ay hada bedelheshay, madaama dowlad kamid ah shanta dal ee dunida ugu quwada roon iyana fashil soo gaaray.

Mareykanka ayaa in uu farxo ama uu qosol kusoo dhaweeyo arinta waxa kasbaya iyada oo labaatan sano markii lasoo hadal qado arinta Soomaaliya, lagu soo darayay in Mareykanku ku fashilmay fara gelintii Soomaaliya, arintas oo Mareykanka ku noqotay nabar baarka uga yaal oo aan reysan markastana ladamqiyo, haa yeeshee markaan nabar kaas ka cusub uu kasoo baxay dowlad xifaaltan kala dhexeeyo.

Mareykanka waxaa 18 askari oo waliba kamaandoos ah looga dilay gudaha magaalada Muqdisho xilligii ay socedeen howlgaladii reja soo celinta, arintaasi oo noqotay mid mareykanka u cuntami weysa maadama uu yahay dalka dunida ugu tunka weyn xilligaan Soomaaliyana aysan xittaa aheyn dowlad isku filan.


Dowlada Faransiiska ayaa iyana markeeda dagaal qaatay saacad kayar oo waliba ay ku dahwaad sedaxsano qorsheynayeen waxa uu ku dhamaday fashil kadib markii Al-shabaab ay iska caabin xoog leh kala kulmeen, halkaasi oo looga khaarijiyay laba askari oo midkood duuliye ahaa sida ay qirteen Faransiisku.

Jabkaasi oo Faransiisku qarsan waayay, wali dowlada Mareykanka oo lasoo boodi jirtay ku dhiirashada hadallo ay ka tiraahdo howl-galada dunida ka dhaca ayaan wax war ah ka dhihin, xitaa ugama tacsiyeyn waxa soo gaaray dowlada Farance oo ay kawada tirsanyihiin shanta dale ee joogtada ka ah golaha amaanka.

Mareykanku xilligaan waxa uu niyada ku sabanayaa hadii fashil Soomaaliya ka dhaca lasoo hadal qaadi tago in ay Faransiisku kow noqonayaan maadaama iyagu ay ka danbeeyeen, hasa yeeshee lama oga qaabka ay Faransiisku doonayaan in ay isaga meyraan ceebta ay gaarsiiyeen Al-shabaab.

Labadan dowladood waxaa lagu xasuustaa qaabka ay ula macaamileen burcad badeedda Soomaalida, iyada oo mid waliba oo kamid ah uu laayay koox burcad badeed ah oo mawaadiniin ka afduubatay, waxaana Faransiisku uu xilligaan wixii kadanbeeya qirayaa in Al-shabaab iyo Burcad badeed aysan isku awood aheyn.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada