Fanaanada Nimco Dareen Oo Boorsooyinka Usoo Xir Xiratay jigjiga Isla Markaana.....(Xog Laga Helay Bogeda Facebook)

Fanaanada Nimco Dareen Oo Boorsooyinka Usoo Xir Xiratay jigjiga Isla Markaana.....(Xog Laga Helay Bogeda Facebook)

Wararka Uu Helayo WMN ayaa sheegaya in Fanaanada Nimco dareen oo ah fanaanad Soomaaliyeed mudooyinkii u danbeeyay ku sugneed deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Magaalada Jig jiga ay wado qorsha ay doonayso in ay xarun ka dhigato Magaalada Jig jiga .

Qoraalo la helay ayaa xaqiijiyay in fanaanada ay Dowlada deegaanka Soomaalida itoobiya ka heshay soo dhawayn iyadoo la sheegay in ay jiraan balan qaadyo aan la shaacinin waxa ay yihiin laakin fanaanada ayaa xili warysi ay siisay qaar ka mid ah Warbaahinta sheegtay in ujeedada ay u timid Jig jiga ay tahay in ay dadkeeda wax la qaybsato sida ay sheegtay .

Nimco Dareen oo caan ku ah Heesteeda Dareen oo ahayd Heestii aay ku soo caan baxday ayaa weerar kala kulan tay Kooxa dhalinyaro caraysan bartamahii sanadkii aan ka soo gudbnay, xili ay ku sugneed Magaalada Narobi ee Xarunta Dalka Kenya kidib markii xaflad bandhig ahayd ku qabtay .
Hayeeshee Nimco dareen oo deegaan ahaan ka soo jeeda degmada Dhagax Buur ayaa la rumaysan yahay in mudooyinkii u danbeeyay waday olalo ay ku doonayso Jaaliaydaha ka soo jeeda Dowlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya uga dhac dhacsiiso ka qaybqaadashada Banaamijyo hormarineed oo deegaanka ka socda waxa ayna qaaday Heeso badan oo deegaanka ku cabirayso xalada dhabta ee ka jirta. ._______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada