Guurka Xawilaada ah Waa Qorshihii Qurbo Joogta iyo Qasaaradii jaceylka (Qormo Xiiso Badan)

Guurka Xawilaada ah Waa Qorshihii Qurbo Joogta iyo Qasaaradii jaceylka (Qormo Xiiso Badan)

Guur xawilaada ah waa dhaqan ku cusub gayiga Somalia waxaana taariiq ahaan uu dalka soo galay bartamihii sagaashameeyadii.

Guurkan oo ah in nin dibada joogaahi uu soo dalbado haweeney kunool Somalia ama gabar ay soo codsato wiil jooga Somalia ayaa leh faa iidooyin aan badneyn iyo qasaarooyin aan lasoo koobi Karin.

Guur xawilaada ah oo ah qorshe ay dageen ama ay dajiyeen qurba joogta soomalida ayaa waxaa uu xoogeystay waxii kadambeeyay 2000 waqtigaa oo ay aad ubateen soomalida tageysa wadamada dunida horey umartay.

Gabadhaha kunool gayiga Somalia ayaa ah kuwa inta badan unugul guurkaan waxaana aad uyar in raga kunool gudaha dalka ay soo dalbadaan haween kunool meelo ka baxsan Somalia maadaama ay haweenkaasi ubadan yihiin kuwo lageeyay meesha ay joogaan oo ay rag wateen.

Faa'iidadiisa
Gurkan waxaa uu faa iido uyahay in yar oo kamida labada is guursaneysa gaar ahaan dumarka,oo ah kuwa inta badan la soo dalbado.

Gabar kunool gayiga Somalia ayaa laga yaaba in ay silama filan ah ku tagto meel aaney waligeed kuhamin sida yurub iyo waqooyiga America kadib markii uu soo dalbado inan kunool dunida hodanka ah.

Qoysaska ayaa guurkan ka hela faa’iido umuuqata in ay beec mushtar ka sameeynayaan gabdhahooda waxaana ku adkaata in ay ka aaamusaan wiil wata boorso madow oo uu kudoonayo gabadhooda.

 Qasaaradiisa.
Guurkaan waxaa uu qasaro uyahay in badan oo kamida dhalinyarada soomalida ee kunool dalkaan ay colaaduhu ragaadiyeen.

Waxaa lagayaaba in wiil iyo gabar jooga dalka jaceelkooduna uu meel wanaagsan marayo uu soo dhax galo xaaji boorso taas oo shoog ku ah jaceylkii labadaasi qof waxaana uu ninkaasi udhowyahay in uu guuleysto ,isagoo durba abaaraya waalidka gabadha tiiyoo ay kuxigto (ninkaanbaan kusiinay iyo maya jacelbaan leeyahay iyo Far duco iyo Far habaar) ama in xoog wax kasta loo isticmaalo.

Dadka qurba joogta ah oo iyagu leh fikrada guurkaan ayaa umuuqda dad aan dhowreyn xuquuqda ay leeyihin dhalinta shaqo la.aantu heyso ee soomalia kunool.
Baaritaano aan kusameeyay guurkaan iyo doodo badan oo aan ka qbtay ayaan ku ogaday in ay jiraan dad badan oo dhibanayaal ah oo ay wax kasoo gaareen guurkaan hadii ay ahaan leheyd jir dal gabdho loo geystay iyo rag dharkii tuurtay oo waashey dhibaato kasoo gaartay guurka xawilaada ah awgii.

Raga da,da ah ee kunool yurub iyo waqooyiga America ayaa ah kuwa inta badan isticmaala guurkan si ay uhelaan gabdho yar yar oo aan xisbaatankoodu badneyn oo waliba juhalo ah.

Baaritaanada qaar ayaa muujinaya in dumarka lagu guursado guurka xawilada ah aaney ubadneyn kuwa wax bartay ama gabdhaha aqoon yahanada ah kuwaa oo laga yaabo in ay la yimadan la xisabtan kale hadii xitaa ay guurkan ogoladaan.

Arinka ugu naxdinta badan guurkan ayaa ah in qoysaska kunool qurbaha marka ay caruurtoodu halaawdo ama ay hoos udhac ku timaado raga nimada caruurtooda in ay ku aqlaaq celiyaan ama raga nimadiisa kutijaabiyaan gabar kunool Somalia iyagoo soo abaara qoyaska ugu sabool san eheladdooda joogta dalka gabdhana ay ujoogaan iyadoo qoyskaasi loo balan qado dhaqaale ay kaga badbadaan busaarada kajirta dalka.

Qaar kamida Dadkii fikiradooda kadhiibtay guurkan ayaa ku baaqay in hayadaha udooda xuquuqda aadanaha ay soo faragaliyaan arinkaan oo ay qaar ku tilmaameen xagudub kadhan ah xuquuqda aadanaha.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujineysa in badi uusan raagin guurkan madama ay adag tahay is fahamka 2 qof oo aan waligood is arag oo aaan wada hadlin ama lagu dir
qiyay guurkaan.

Hadaba Hadii aan soo kobo qormadeyda aqristow guurka xawilaada ahi ma faa.idabaa mise waa qasaaro ?

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada