Real Sociedad Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Xilli Ciyaareedkan La Liga Ku Garaacda Barcelona.

Real Sociedad Oo Noqotay Kooxdii Ugu Horeysay Ee Xilli Ciyaareedkan La Liga Ku Garaacda Barcelona.

Kooxda Real Sociedad ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga jilbaha dhulka u dhigta Barcelona ka dib markii 2 gool oo looga hormaray ay ugu bedeleen 3 xilli Barcelona ay inta badan qeybtii labaad ku ciyaareysay 10 ciyaaryahan.
Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 6aad markii Lionel Messi uu shabaqa ku hubsaday kubad uu si fiican u dhameystiray oo uu gacan ka geystay Andres Iniesta.
Goolkaas Messi ayaana waxa uu la micno yahay inuu barbareeko rikoorka kulamada isku xig xiga ee La Liga ee ciyaaryahan uu goolal dhaliyo oo 10 kulan oo isku xigta ay ku hayeen Mariano Martin (42/43), iyo Ronaldo (96/97) oo labadooba markaas u ciyaarayay Barcelona.
Goolka Messi ayaa sidoo kale waxa uu la micno ahaa goolkiisii ugu horeysay ee uu ku dhaliyo Anoeta Stadium.
Blaugrana ayaana hogaanka sii dheereysatay daqiiqadii 24aad markii Pedro uu dhameystiray kubad uu ka helay Alves, iyadoo Messi uu isna gacan ka geystay goolka.
Qeybtii hore oo afar daqiiqo ay dhiman tahay ayaa kooxda martida loo ahaa soo ceshatay hal gool Carlos Vela ayaa kubad u dhiibay Castro kaasoo isna si wacan u dabmariyay goolka Victor Valdes, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-1 oo ay hogaanka ku heysay Barcelona.

Barcelona ayaana waaga uu ku baryay daqiiqadii 56aad markii casaan la siiyay Gerard Pique oo jaalihiisii labaad ee ciyaarta ku qaatay qalad uu ku galay Carlos Vela, iyadoo jaalihiisii koowaad ee uu qaatay qeybtii hore ay aheyd mid uu ku qaatay wax aan micno laheyn markii uu is horistaagay laad xor ah oo degdeg ah oo ay tuuranayeen Sociedad.
Casaanka Pique ayaana kooxda Sociedad u sahashay inay raadiyaan goolka barbaraha ee ciyaarta, daqiiqadii 63aad ayayna heleen mar kale Castro ayaa u dhaliyay iyadoo kubada ay ku sii dhacday Mashcherano islamarkaana ay garab martay goolhaye Valdes.
Real Sociedad ayaana heshay goolkii guusha dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 90aad markii uu kubad shabaqa ku hubsaday Agirretxe, waxaana ay Sociedad ku badisay 3-2.
Waxa ay Real Sociedad noqotya kooxdii ugu horeysay ee garaacda xilli ciyaareedkan horyaalka Spain kooxda Barcelona. Barcelona ayaa weli hogaanka ku heysa 11 dhibcood, laakiin taasi waa ay soo yaraan kartaa hadii Atletico Madrid ay berri guul gaarto.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada