In kabadan 300 Oo Dukaan Oo 80 Kamid Ah Soomaali Lahayeen Oo La Boobay Dabna La Qabadsiiyaya(Daawo Muuqaal ahaan)

In kabadan 300 Oo Dukaan Oo 80 Kamid Ah Soomaali Lahayeen Oo La Boobay Dabna La Qabadsiiyaya(Daawo Muuqaal ahaan)

Banaan Baxyo Xoogan Oo Watay Rabashado ayaa Gil Gilay Deegaana Ka Tirsan Gobolka Free State ee Wadanka South africa Waxaana Dhigayay Shacab Ka Careysan In La Isku Daro Labada Dagmno ee Kala ah Sasal Berg iyo Sanvilaa o ka tirsan gobolka Free state.


Rabashada oo Bilowday Maalintii Axada ayaa waxaa uu Qasaaro Xoogan Kasoo Gaaray Ganacsiga Dadka ajaanibta ah iyo Kuwa South africaanka ah ee Ku Yaala Deegaanadaaasi,waxaana sido Kale Dadka Banaan Baxa Sameynaya ay Xerteen Dhamaan Wadooyinka Soo Gala Gobolkaasai,

Goobaha Ganacsi ee Halkaa Lagu Boobay ayaa Gaaraya Tiradooda ilaa 300 Dukaan Kuwaa oo 80 Ka Mid ah ay Leeyiiin soomaali,Halka Qaar Kaloo Badan Dab La Qabad Siiyay.

Guud ahaan soomaalidii Halkaa Daganaa Ayaa ku hoyanaya saldhigyada ciidamada police-ka ayadoo ilaa haatana ay halkaa joogaan waxaa ay inoo sheegan in police-ka uu ku war galiyay in ay isaga baxaan meesha maadaama laga cabsi qabo in rabashadaha ay sii xoogeystaan.

Banaan Baxyada ayaa socda ilaa Hada Ayadoo Ciidamada Police-ka ay Ku Mashquulsan Yihiin sidii ay u Xakameyn Lahaayeen Dadka Banaan Baxyada Dhigaya. Hasa Ahaatee Saldhigyada Police-ka Ee Gobolka Free Satate Ayaa La Bur Buriyay Danba La Qabadsiiyay


Banaan Baxyadaani ayaa noqday kuwa soo laab laabtay mudooyinkaan dambe ayadoo dadka u dhashay wadanka south africana ay caadi ka dhigteen iIn Fariimaha Cabashada ah oo ay u Dirayaan Dowlada ay Ka Dhigaan Banaan Baxyo Lagu Boobo Gnacsiga Kaa oo aan Si loo Kala Saarin Qaxooti iyo Kuwa u dhashay wadanka intaba.


Fadlan Rayigaaga kadhiibo Mahadsanid.

W/D Wariye Omar Kiyow
Dalka South Africa


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada