Gabar yahay Is Gaad Gaad Jaceyl Ma Ku Jirtaa ? Qaado Taladan

Gabar yahay Is Gaad Gaad Jaceyl Ma Ku Jirtaa ? Qaado Taladan

Xubinteena Arimaha Bulshada Qaasatan Dhinaca Jaceylka Waxaana Todobaadkaan Ku Soo Qadanaynaa ”’Sideed Dhambaal Barasho Ugu Bandhigi Laheyd Gabadha aad Ka Hesho.

Barbaartaba Dhamaantood Kalasoo Dhex Baxdayee Kugu Beertay Howlaha.Dhambaalka Barashada Waa Dhambaal Aan Ugu Talo Galay In Ay Ka Faa’ideystaan Dhamaan Bahda Ku Hadasha Afka Soomaaliga Gaar Ahaan Dhalinyarada Oo Baahi Weyn U Qaba Habkii Ay U Bandhigan Lahaayeen Barasho Kalgacal Hadii Ay Maagaan. Waxadna Dhambaalkan Kaga Bogan Doontaan Talaabooyinka Ugu Haboon Ee Loo Baahanyahay In La Sameeyo Bilowga Barashada Kalgacalka.
Kahor Inta Aadan Barashada Bandhigan Waxa Jira Qodobo La Adkeynayo Ku Dhaqankooda Hadii Qodobadaasi La Waayo Waxa Xaqiiq Ah In Ruuxa Aad Baro Is Leedahay Uu Kaa Shakiyo Isla Markaana Uu Ku Rumeysan Waayo Sidaa Darteed Waxaa Kula Gudboon In Aad Fiiro Gaar U Yeelato Qodobadan Soo Socda:
1: Isku Taxaluji Ama Ku Dadaal Sidii Aad Barashadadaada Si Toos Ah Oo Aan Gambasho Laheyn Ugu Bandhigan Laheyd Taasi Oo Aan Uga Gol Leeyahay Si Fool Ka Fool Ah Ula Kulan Ruuxa Aad Dooneyso Inad Is Barataan.
Barashada Ceynkaasi U Dhacda Waxay 100% Ka Kalsooni Badantahay Tan La Isku Weydaarsado Kana Bilaabata Fariimo Qoraalka Ama Wicitaanka Maqalka Ah Iyo Waliba Aaladaha Kale Ee Lagu Xiriiro Oo Uu Internet-ku Kamid Yahay Kuwaasi Oo Shaki Badan Galiyay Dhalin Yaro Badan Oo Loosoo Bandhigay Barasho Ugub Ah.
2: Ka Fogow Beenta Iyo Hadallada La Dhoodhoobay Oo Mar Waliba Runta Beegso.
Midna Ogow (BEENTU XAARAAN WEEYEE YEY KU BARAN WALAAL)Waxadna Ka Shidaal Qaadataa Mah-Maah Somaliyeed Oo Oraneysa (Beentaada Hore Runtaada Dambe Ayey U Baas Baxdaa) Taasina Micneheedu Waxa Weye Beentu Waa Caqabad Hortaagan Horumarkaaga Goor Walba, Sidaa Darteed Mar Waliba Isku Day In Aad Xaqiiqada Abbaarto Si Ay Kuugu Hagaagto Baraashadaadu Una Noqoto Mid Miro Dhal Yeelata
3: Ereyada Kasoo Baxaya Afkaaga Waa In Ay Noqdaan Kuwo Ka Fiirsi Loo Yiri , Kana Fogow In Aad Kula Degdegto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada “Waan Ku Jeclahay Iyo Hadallada Lamidka Ah Ee Ku Habboon Xilli Dambe”
Waxana Lagama Maarmaan Ah In Aad Murti Ku Hadasho Si Laguu Maqlo Isla Markaana Loogu Xiiso Oraahdaada Oo Dhegtii Maqasha Aysan Marnaba Kaa Caajisin Una Riyaaqdo.
Intaa Markii Lagaa Helo Waxad Heysaa Dhabbihii Toosanaa Ee Barashada Waxadna Isku Diyaarisaa Inad Daaha Ka Qaaddo Hadafka Kuu Qarsoon Ee Ku Aaddan Barashadaada Kalgacal Adigoo Adeegsanaya Oraah Tifatiran Ama Geeraarkan Soo Socda:
Barashaduba Kala DuwanMidda Beenta Lagu LaroRaad Weeye Bido IyoBadno Weeye Go’eyseeHadii Aan BayaaniyoBaaqeygu Wuxu YahayBarasho Kal-GacaleBanaankaan Ka HadlayaaBeen Been Hadey JirinMa I Baxnaanineysaa?Hadii Aad BaqeysooWali Adan BislaaninBuurta Waan Ka DegayaaBaxsaney / Bashirow Ha FududaanBogsiin Weeye BarashaduAan Boog LaheyneBogga Wan Ku SaarayaaIlaa Aad Ka BogatooBarbarbaartaba DhamaantoodAdaan Kaa BidhaansadayHadii Aad BaqeysanaBixin Maayo SirtanadaBaahin Maayo WaligeyJawabtaadu Waa BaadBaahideeyda Tiro IyoBiyo Aan Ku Oon BaxeeHa Illaawin Baxsanoow/ Baxsaney.
Waxa Laga Yaabaa In Ay Idin Qancin Weyso Tixdii Hore Hase Ahaatee Geeraar Kale Oo Ka Duwan Kii Aan Goor Dhaweyd Idiin Tiriyay Ayaan Halkan Idinkugu Hayaa Ee Ka Bogasho Wacan:
Waxan Kuu RafaadabaRoobloow/ Ramlaay Waan Ku Helaye,Imisaan Ku RaadiyayReysan Waayey AwgaaRuux Kugu WardinayooKuu Riyaaqay Ban AhayAnna Kuu Run SheegtayeHayga Roorin Inanyahow/ Inanyahay.
Kuuma Rabo XumaanooNaftaad Raalli GalisayeSida Reys Qabow CamalQalbigaad RusheysooRubadda Iyo BeerkiyoRugtii Bidix Adaa DegayHayga Ruugin TaladooUga Fakar Sidoo RoonSaadaasha RiyadiyoIgu Raac Kal Iyo LaabHadaad Ra’siga Sare IyoRubaddeyda QabatoodIgu Ruubto MoolkanaAnna Inan Ku RiixeynRabbiyow Ku Garadsii
Iyadoo Aysan Dadku Isku Faham Aheyn Ayaa Waxa Dhici Karta In Geeraradii Hore Halka Ay Ku Biyo Shubanayeen La Garan Waayo Isla Markaana Uu Yimaado Is Garanwaa Sidaa Aawadeed Ayaan Jecelahay In Aan Markale Idiin Soo Xulo Tix Bayaanineysa Hadafkaaga Ku Saleysan Barashadaada Taa Oo Aan Is Leeyahay Waa Loo Riyaaqi Doonaa Ee Aqris Wanagsan:
Dharaartiyo HabeenkabaWax Walbaa DhacaayeeDhabti Waa AduunyooIyadoo Leys DhuganayoLama Wada DhalaneDhameysaay / Dhameysoow WalaalBarashada Ma Dhibsataa?Dhanka Ay Ku SocotiyoDhiisheeda Ma Cugtaa?Dhaaydeeda Ma Listaa?Dabadeedna Ma Dhabtaa?Wanaaggeed Ma Dhowrtaa?Subaggeey DhaleysiyoDhuuxeey LaheeydiyoDheefteeda Ma Rabtaa?Aan Kula DhigaalsheeBal Dhadhami UjeedadaDhabti Waxan RajeeyaaInad Iga DhaqaaqinoodDhibtan Igu CidleynineDheymaneey / Dhowsranoow Maxaad Oran?Dhulka Intan Ku NoolahayKaa Dhaqaaqi MaayeeJawaabtaada Ii DhiibBil Kastoo Dhalata IyoGugii Soo DhamaadiyoXagaagii DhibcaayiyoDeyr Kasta DhexdeediyoDhamac Badane JiilaalAdaan Kaa Dhur SugayaaDhinac Kastaba Waa KheyrJawaabtaada Ii DhiibHaygu Dhowran Xaajada
Ruux Kasta Oo Dhambaalkan Ka Tusaale Qaata Kuna Dhaqma Waxan U Rajeynayaa Guul, Xiriir Wanaagsan Oo Laga Dhaxlo Mustaqbal Nololeed Iyo Guur Lagu Xasilo.

Faah Faahin Kooban Oo Ka Turjumeysa Bandhigga Barashada Kalgacal.

Kadib Marka Aad Daaha Uga Rogto Barashadaada Cusub Tix Iyo Tiraab Waxa Lagaaga Baahanyahay In Aad Dulqaad Yeelato Oo Aad Iska Ilaaliso Deg-degga Iyo Fudeydka.
Fursad Uu Kagasoo Fakaro Sii / Ay Kagasoo Fakarto Ruuxda Aad U Bandhigtay Barashada Ceynkan Oo Kale Ah.

Soomalida Intooda Badan Waxay Jecelyihiin Arrin U Baahan Waqti Dheer In Ay il Biriqsi Ku Sameeyaan Taa Oo Aan Marnaba Suura Gal Noqonayn.
Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa
Hadii Fudeydkaagu Sidaa Yahay Waxan Ku Dhihi Lahaa Siduu Horay U Yiriba Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi:
Sal Fudeydku XaawuuJannadii Ka Saaray.Ruuxaad SugeysooMaqan Waa La SaadshaaSahan Waa La Dhowraa.
Waa Inad Mar Kasta Maanka Ku Haysaa In Ay Barashadu Tahay Wax La Beerto Oo Dhib Loo Maro Haddii Lagu Samrana Dheefa Laga Helo.




_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada