Madaxweynaha oo la kulmay Manuel Barroso

Madaxweynaha oo la kulmay Manuel Barroso

Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo
 Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, maanta magaalada magaalada Brussels waxa uu kula kulmay madaxda Midowga Yurub.
Xasan Sheekh ayaa waxa uu la kulmay guddoomiyaha Guddiga Yurub Jose Manuel Barroso, Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Herman Van Rompuy.


Xafiiska Shabakada warcadnetMasuuliyiinta ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub gacan u siin lahaa dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horumar wanaagsan sameysay labadii sano ee u dambeeyay.



Kulanka kadib waxa ay shir jaraaid ku qabteen xarunta Midowga Yurub ee magaalada Brussels.

Waxaa ka hadashay booqashada Madaxweynaha Catherine Ashton oo wakiilka sare ee Golaha Midowga Yurub.
Madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo
Guddoomiyaha Guddiga reer Yurub Jose Manuel Barroso
Mrs Ashton waxa ay sheegtay in ay wax wanaagsan tahay waaga cusub ee Soomaaliya u bilowday. Waxa ay sheegtay inay ku faraxsan tahay in xiriirka u dhexeeya Midowga Yurub iyo Soomaaliya uu gacan ka geystay aasaaska horumarka Soomaaliya.

Waxa ay sheegtay in dhawaan ay qabanqaabinayaan shir Soomaaliya ku saabsan oo ka dhici doona Brussels, kaasi oo ay sheegtay inuu la soo bixi doono qorshe cusub oo Soomaaliya lagu siinayo taageero siyaasadeed, ammaan iyo horumarineed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku yimid magaalada Brussels booqasho rasmi ah oo uu ka helay Midowga Yurub sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay dowladda Soomaaliya.


_________________________________________________________________________________
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada