Madaxweyne Xassan Sheikh" oo Iska fogeeyay Inuu kamid Ahaan Jirey Xarakaadka Islaamiga.

Madaxweyne Xassan Sheikh" oo Iska fogeeyay Inuu kamid Ahaan Jirey Xarakaadka Islaamiga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa dhinac isaga riixay wararka sheegaya inuu ka tirsan yahay mid ka mid ah urur diimeedyada dalka ka jira, kaasoo mudooyinkii u dambeeyay lagu xamanayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aanu waligiis ka mid noqon urur diimeedyada, gaar ahaan ururka Islaax, Al-Itixaat iyo ururada kale ee dalka ka jiray, isagoo qiray inay jiraan dad dhaliilo ama mucaarado u soo jeedinaya dowladdiisa.

"Waligey kama mid noqonay xaraakaadka Islaamiga ee dalka ka jira, hadii ay ahaan lahaayeen Al-Islaax, Al-Itixaad iyo xarakaadka kale"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyaya Laanta afka soomaaliga ee VOA-da.

Madaxweynaha oo mar ka hadlayay guulaha siyaasadeed ee dowladdiisa gaartay mudadii uu xafiiska joogay ayaa sheegay in Soomaaliya ay waa cusub ay cagaha la galeyso, isla markaana ay ka guureyso xaaladihii adkaa ee dalka soo maray.

Xalay ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo bogaadiyay guulaha siyaasadeed ee laga gaaray Soomaaliya, isagoo ku wargeliyay in aan la lumin fursadaha jira.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada