Maxaa ka taqaanaa Taariikh Nololeedka Kareena Kapoor

Maxaa ka taqaanaa Taariikh Nololeedka Kareena Kapoor



Kareena Kapoor waxa ay dhalatay 21 September sanadii 1980 waxa ay ku dhalatay deegaanka Mumbai gaar ahaan degmada Maharashtra waxana magaceeda oo buuxa la yiraahdaa oo loo yaqaanaa Kareena Kapoor Khan, waana actarad jisha Filimaanta Hindiga ah islamarkaana taageera badan ku leh dunida .

Actarada caanka ah ee Kareena ayaa soo jiidatay caalamka tan iyo wixii ka danbeeyay xiligii ay sida tooska ah ugu soo biirtay Bollywood filimada wixii ka danbeeyay 2000 oo si toos ah uga soo muuqatay Shaashadaha Dalka Hindiya .

Kareena ayaa ku soo biirtay jilista Filimada sanadii 2000 waxa ayna ku soo gashay filinkeedii ugu horeeyay oo ahaa Filinka la yiraahdo Refugee kaa oo ahaa keedii ugu horeeyay ee aay soo jisho waxa ayna isla sanadkaa soo saartay Filin kale oo la yiraahdo melodrama Kabhi Khushi Kabhie Gham waxna labadaa filin ay noqdeen kuwa ay ku mutaysato taageerayaal badan .


Sanadii 2001dii waxa ay noqotay Actaradaa mid aad loo xiiseeyo filimaanteeda waxa ayna yeelatay suuq kidib markii shirkadaha ka beec mushtara Filimaanta dalabya kala duwan ka heshay waxa ayna ka heshay dhaqaalo badan iyadoo mar kale sii laba jibaartay dadaalkeeda ku aadan in ay hor mar sii samayso .

Kareena ayaa soo saartay Filimaan iskugu jira filimaan jacayl ah iyo kuwa qosol qosol ah waxa ayna sidoo kale filimaantaa la soo jishay actara kala duwan halka kuwa kalina ay iyada soo saare ka aahyd waxa ayna filimaanta soo saartay ka mid ahaa sanadii 2000 oo ahayd sanadkii u horaysay waxa ay soo saartay filinka Refugee sanadii 2001 waxa ay soo sartay filinka Mujhe Kucch Kehna Hai sidoo kale waxaa jira filimaan kale oo isla sanadkaa soo saartay sida Yaadein, Ajnabee ,


Kareena ayaa sanadii 2001 dhaxdeeda heshay abaal marin kidib markii filimaanteeda soo jiiteen shirkadaha abaal marinada bixiya kuwaas oo u arkay Actaradaa in ay tahay mid aan yaraysan waxa ayna gudoonsiiyeen sanadii 2001dii —Filmfare Award for Best Actress sidoo kale waxa ay heshay abaal marin kale oo la yiraahdo Filmfare Award for Best Supporting Actress

Sanadii 2002dii waxa ay soo sartay laba filin oo la kala yiraahdo Mujhse Dosti Karoge! , Jeena Sirf Merre Liye waxa ayna isla sanadii 2003di soo saartay sedax filin oo kale ah Khushi , LOC Kargil, Main Prem Ki Diwani Hoon hayeeshee inakstoo filimaanta ay soo sarat badnaayeen hadana sanadii 2004tii waxa ay soo sartay Chameli oo ahaa filinkii ay ku mutaysatay Filmfare Award for Special Performance,


Waxa ay sidoo kale ku heshay abaal marin kale filinka Dev waxana abaal marintaa ay ahayd mid ay ku mtaysatay dadaalkeedii waxana loo aqoonsday in ay tahay actarkii ugu fiicna sanadii 2004tii waxana la gudoonsiyay abaal marinta Filmfare Critics Award for Best Actress

Sanadii 2005 Bewafaa ay soo sartay isla sanadaa waxay soo sartay hup Chup Ke , Omkara 2007dii Kya Love Story Ha 2008dii Halla Bol 2009kii Kurbaan 2010 Golmaal 3 2011 Bodyguard 2012 Agent Vinod waxana filimaanta ay actaradaa soo sartay bar bar socday filimaan kale hayeeshee waxaan ka soo qadanay kuwa ugu muhiimsanaa waxa ayna ku heshay abal marina kala duwan filimaanta aan soo xusnay markii ay soo sartay .

Kareena kabuur waxaa dhalay oo la yiraahdaa abaheed Randhir Kapoor hooyadeena waxaa la yiraahdaa Babita, waxaa la dhalatay actarad kale oo caan ah oo la yiraahdo Karisma hayeeshee Actarada ayaa waxa soo galay inta ay jilaysay filimaanta dhaqaalo aad u badan waxaana dhaqaalaha soo galay lugu qiyaasayaa in ay garayaan 793 million (US$14.43 million in ka badan halkii filinba oo ay so saarto .

Kareena Kabuur ayaa guursatay sanadii 2012 bishii ACTO waxa ayna guursatay Acatarka kale ee Saif Ali Khan kaa oo xariirkooda soo bilowday sanadii 2007dii sida xogta lugu hayo waxa ayna lamaanaha tan iyo xiligaa wixii ka danbeeyay xariirkooda ahaa mid sii xoogaysanaya .

Kareena kabuur oo da,adeeda tahay 32 jir ayaa ka shaqaysa arimaha bini,adaanimada waxayna aas aastay sanadii 2005tii Uruur la yiraahdo World Youth Peace kaa oo shaqadiisu tahay ka shaqaynta nabadglayda iyo hormarinta dhalinta yar yar waxa ayna sheegtay in uruurkaa uu ka shaqayn doono hormarinta dhalinta yar yar iyagoo fursado waxbarasho u abuuri doona.

Intaa ayaa ku soo koobaynaa akhristyaal taariikhda fanaanada oo aan ka soo qaadanay waxyabahii ugu muhiimsanaa inta an ka tagnayna waxa noo saamixi wayay waqtiga waad mahad san tihiin .

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada