Dowlada Sacuudiga Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Afartameeyo Haween Ah Oo Dalkeeda Ka Xoogsada Sababta Maxay tahay?

Dowlada Sacuudiga Oo Xukun Dil Ah Ku Riday Afartameeyo Haween Ah Oo Dalkeeda Ka Xoogsada Sababta Maxay tahay?


Jariirada The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka UK, ayaa qoray Todabadkan war hoose oo muujinaysa inay Maxkamadaha dalka Sacuudiga ku rideen xukun qoor-goyn ah in ka badan 45-haween shisheeye ah oo Adeegto ama Jaariyaddo ka ahaa dalkaasi.

Hadalkaasi ayaa soo baxay iyadoo ay Hay’adaha Caalamiga qeylo-dhaan iyo cambaarayn u jeedinayaan Nidaamka Garsoorka ee Sacuudiga, iyadoo arrintantimid, kadib, markii dhawaan Xukun Qoor-goyn ah lagu fuliyey Adeegto u dhalatay dalka Sri Lanka oo la oran jirey Rizana Nafeeq, oo 24-jir ah, taasi oo ku eedeysnaa inay dishay cunug yar oo Sacuudiyaan ah.

Wargeysku, waxa uu tilmamay inay Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha rumeysan yihiin in Haweenka ku xukuman qoor-goynta yihiin kuwo badankooda u kala dhashay dalalka Sri Lanka,Philipines, India iyo Ethiopia.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa horey u sheegtay inay 45-haween u dhashay dalka Indonesia in lagu xukumay xukun qoor-goys ah, inkastoo aysan Dowladda Sacuuga si rasmi ahaan u shaacinin tiradda rasmiga ee Haweenka Jaariyadda ee xukunka qoor-goynta sugayo.

Ku-dhawaad 1.5 million oo Adeegto Shisheeye ah ayaa ka xoogsada dalka Sacuudiga, oo ay ku jiraan ku-dhawaad 375,000 oo u dhalatay dalka Sri Lanka.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay inay sii kordhayaan xukunadda lagu fulinayo Haweenka Shisheeyaha eek a xoogsada dalka Sacuudiga, kuwaasi oo badankooda ka soo jeeda Dalal ku yaalla Qaaradda Asia.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada