Mustafe Idiris waa fanaan Somali iyo Ethiopian iska dhal ah oo ku heesay Afsomali noqdayna Hit +Daawo Video

Mustafe Idiris waa fanaan Somali iyo Ethiopian iska dhal ah oo ku heesay Afsomali noqdayna Hit +Daawo Video

Heesta Ayaaney Jigjiga Kaalay ayaa waxey yeelatay shacbiyad aad u badan kadib markuu fanaanka reer Ethiopia ee xeriirka qoys la leh Soomaalida ee lagu magacaabo Mustafe Endirias Ama Mustafa Ilyaas ayaa waxuu si macaan badan ugu raaxeystay heestan oo uu ku qaaday afafka Soomaaliga iyo kan xabashiga waxaana heestan ay ku dareensiiyay hidaha iyo dhaxalka in uu ku faafay geeska Africa iyo meelaha ay degaan Soomaalida sida dalka Ethiopia.

Heestaan oo ah mid Romantic ayaa fanaanka Mustafe waxuu ku amaanay gabdhaha Soomaalida asigoo ku luqeeyay magacyada dumarkan qaarkood iyadoo gabar xerneyd hidaha iyo dhaqanka ay soo bandhigtay ciyaar iyo muuqaal aad u qurxoon.
 
Mustafa ayaa waxaa codkiisa laga dareemayaa inuu afsomaliga ku adagyahay sababtoo ah waxaa iska wada dhalay Somali iyo Ethiopian.

Heestani ayaa la dhihi karaa waa mid ka mid ah kuwa ugu macaan heesaha muddooyinkan sida casriga ah loo garaacay iyadoo fanaankan uu tusay dadka in wali fanka uu ku noolyahay geeska Afrika.

Halkaan ka daawo heesta Ayaaney oo uu Mustafe sameeyay laba sana kahor laakin ilaa iyo hada hit ka ah meelaha lagu caweeyo ee dalkaasi Itoobiya.
 
 Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Heesta

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada