Nin la dhashay Madaxweyne Obama oo Musharax ka ah Tartanka Doorashadda ee dalka?

Nin la dhashay Madaxweyne Obama oo Musharax ka ah Tartanka Doorashadda ee dalka?

Malik Xusein 0bama oo ay Madxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama isku aabe yihiin ayaa ammaanay Kaalinta Hoggaamineed ee Walaalkiisa oo mar labaad loogu doortay Xilka Madaxtinimadda.

Malik Xusein Obama, oo dhawaan Wakaalladda Reuters u waramaycayaa sheegay inuu ku tlamayo inuu ku soo biro Siyaasadda, isagoo xusay inuu ka qeybgalayo Doorashadda Guud ee bisha March ka dhici doonto dalka Kenya.
‘Haddii uu walalkay wax weyn u samaynayo Shacbka Maraykanka, maxaan Aniga wax weyn ugu samayn waayey Shacabka Keny’ ayuu yiri Malik oo Reuters ugu waramayey Tuulladda Kogelo ee Kenya oo ah halka uu Madaxweyne Brack Xusein Obma asal ahaan ka soo jeedo.
Malik oo 54-jir ah ayaa sheegay inaysan hawl fudud ahayn si loo qabto Xafiis Dowladeed, isagoo xusay haddii aad Madax noqoto inaad khatar badan la kulmi karto, oo ay Wrbaahinta iyo Dadweynaha kaa dhigan karan bar-tilmaameed.

‘Waxaa dhici karta inay dadka qaarkood ku jeclaadaan, halka kuwa kalena ay kuu muujinayaan nacayb’ ayuu yiri Malik oo isagu ku noolaa magaalladda Washington tan iyo sannadkii 1985-kii, ka hor intuusan noqonin La-taliye madax-bannaan oo dhinaca Maliyadda ‘An independent financial consultant’.

Madaxweynaha Maraykanka, waxa uu Tuulladda uu ka soo jeedo ee Kogelo ee dalka Kenya booqasho ku tegay wax yar ka hor markii uu ku guuleystay Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Maraykanka sannadkii 2008-dii. 


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada