Nin u dhashay dalka Imaraadka Carabta oo xabsi ku muteystay haween uu 0nline-ka ku bartay.Sababtu maxay tahay.

Nin u dhashay dalka Imaraadka Carabta oo xabsi ku muteystay haween uu 0nline-ka ku bartay.Sababtu maxay tahay.


Nin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa waxa la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Dubai, kadib, markii lagu helay inuu dhacay Haweeney u dhalatay dalka Yukrayn, taasi oo uu ku bartay Khadka 0nline-ka.

Wargeyska ‘Gulf News’ ee ka soo baxa dalka Imaaraadka, ayaa qoray sheekadaasi, iyadoo Ninka iyo haweeneydaasi ku ballameen inuu ugu yimaado Qolka ay ka deggan tahay Hotelka Five Star ee waddada Sheekh Zayed.
Ninka oo magaciisa lagu soo koobay I.M. ayaa Haweeneydaasi ku bartay Barta Website-ka Badoo ee ay Bulshadda ku wada sheekeystaan, wuxuuna u ballanqaaday haddii la galmoodo inuu siinayo lacag dhan1.500 Dirham, waxayna Haweneydaasi oggolaatay arrintaasi iyadoo kula ballantay Hotelka ay deggnayd.
Ninka markii uu Haweeneyda ugu yimid Qolkeeda ayuu waxa uu jabiyey koobkii uu wax ku cabayey, kadibna dhalooyinkii ayuu ku cabsi geliyey, wuxuuna ka boobay Telefoon nooca qaalliga ee iPhone iyo lacag caddaan ah oo dhan 6.000 oo Dirham.
Maxkamadda Heerka Koowaad ee magaalladda Dubai oo ninkaasi la soo taagay ayaa waxay ku xukuntay 6-bilood oo xabsi ah.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada