Qaban qaabada shirweyne Maamul goboleed loogu dhisayo ilaa Lix Gobol oo ka socota Baydhabo

Qaban qaabada shirweyne Maamul goboleed loogu dhisayo ilaa Lix Gobol oo ka socota Baydhabo

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaban qaabo xoogan oo ku aadan maamul u sameynta ilaa lix gobo ay ka socoto magaalada, iyadoo ergooyin ka kala socota gobolada ay ku qul qulayaan.
Sida ay sheegayaan wararka qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore ee baarlamaanka iyo siyaasiyiin ayaa ku sugan magaalada Baydhabo, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay sidii maamul goboleed loogu dhisi lahaa Gobolada Bay, Bakool, Sh/Hoose, Sh/Dhexe, Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Inkastoo qorshahan uu ahaa mid in muddo ah la soo waday, hadana waxaa ka muuqata iska war qab la'aan maadaama qorshayaal maamul loogu sameynayo Gobolada Jubooyinka ay ka socoto magaalada Baydhabo, kaasoo ay ku lug leedahay Urur goboleedka IGAD.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Ergo ka socota Wasaarada Arrimaha gudaha Soomaaliya oo u kuur galeysa habka uu shirka u dhici doono, waxaana dhowaan Baydhabo gaaray xubno ka socday Xafiiska Siyaasada Qaramada Midoobey ee UNPOS.

Sidoo kale odayaashii dhaqanka ee horay u soo magacaabay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa door weyn ku leh dhismaha maamul goboleedka loo sameynayo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay ahaa mid mashquul, iyadoo ay ka degayeen siyaasiyiin, odayaal iyo mas'uuliyiin ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool.

Wariye Yuusuf Keynaan oo ka tirsan Radio Kulmiye oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in qaban qaabada shirweynaha si weyn looga dareemayo magaalada Baydhabo, isla markaana la sugayo ergooyinka ka socda gobolada kale ee ku qayixan dhismaha maamul goboleedkan.

Sidoo kale waxaa la diyaariyay goobihii shirarka lagu qaban lahaa iyo halkii la dejin lahaa ergooyinka, waxaana amaanka gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, AMISOM iyo kuwa dowladda.

Laakiin qorshahan maamul goboleedka ayaa la sheegayaa inuu tuhun badan ka jiro, isla markaana ay si hoose xurguf uga dhaxeyso Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan oo ololaha maamul goboleedka qeyb ka ah iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan sheegtay inuu qodob dastuuri yahay in la hirgeliyo nidaamka federaalka, isla markaana ay jireen baaqyo ka soo baxayay maamulada oo ku aadanaa dhameystirka Federaalismka, maadaama dowladdu ay tahay dowlad federaal ah.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada