Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay

Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay


Waxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa waxaa jiray wiil dhallinyaro ah oo Ilaah ka cabsi badnaa cilmigana aad u raacan jiray hawlo oo dhanna faraha uga qaaday sidii uu cilmi diineed u kororsan lahaa, hasee yeeshee wiilkaasi faqiir ayuu ahaa, waxaa haddaba dhacday inuu maalin aad u gaajooday oo markii uu gaajadii xamili waayay ayu u gurigiisi iskaga baxay isagoo halkii ku toosnayd uun iska qaaday, siduu u socday ayuu markii dambe wuxuu ku soo baxay beer bustaan ah oo ay ka buuxaan geedo tufaax ah oo wada bislaaday, geedaha mid ka mid ah ayaa laamaha tufaaxu dibadda u soo laalaadeen, markaasuu wuxuu naftiisii ugu sheekeeyay xabad tufaax haddaad ka goosato laamahan bannaanka soo jira gaajada way kaa biin doonaan, sidii ayuu yeelay markaasuu intuu xabbad tufaax ah ka goostay laantii iska cunay gaajadii gubaysayna ka yaraatay.

Haddaba markii uu gurigiisii ku soo noqday ayay maskaxdiisii dib uga fikirtay falkii uu xabbadda tufaaxa ahaa kaga goostay beertii uu ag marayay isagoon ka fasax qaadan ninkii beerta lahaa, taasoo ah dareenka qof kasta oo muslin ahi inuu dib u soo gocdo dambigii uu sameeyay.

Wiilkii dhallinyarada ahaa wuxuu goostay inuu raadiyo ninkii bustaanka lahaa waydiistana inuu u saamaxo xabbaddii tufaaxa ahaa ee uu ka goostay beertiisa, markii uu soo raadiyay ayuu ninkii beerta lahaa helay waxaanu ku yiri:- “Adeer shalay ayay gaajo xuni i qabatay, markaasaa anigoo beertaada ag maraya waxaan arkay laan futaax ku yaala oo xagga bannaanka u soo laalaada markaasaan xabbad tufaaxa anigoon kaa fasax qaadan ka goostaye ii saamax”, ninkii beerta lahaa ayaa wuxuu ku yiri:-” Ilaahay baan ku dhaartaye inaad kuu saamaxaynin maalinta Qiyaamana Ilaahay agtiisaan kiis kugu soo oogayaa”.

Wiilkii ayay talo ku caddaatay markaasaa isagoo ooyaya uu baryay ninkii beerta lahaa isagoo ku oranaya wax kasta oo aad iga dalabto diyaar baan u ahaye ii saamax xabbaddii tufaaxa ahayd, hasee yeeshee ninkii beerta lahaa marba marka ka dambaysa wuuu ku sii adkaystaa, intaa ninkii beerta lahaa kuma ekaanine wiilkii oo baryootamaya ayuu iskaga dhaqaaqay, wiilkiina kama uusan harine wuu daba galay isagoo baryootamaya oo ooyaya ilaa uu ninkii gurigiisii ka galay.

Wiilkii albaabkii guriga ninka hortiisii ayuu iska fadhiistay isagoo sugaya bal marka uu Salaadda Casar u soo baxo inuu haddana baryo inuu ka saamaxo.

Salaaddii Casar markii loo eedaamay ayuu ninkii gurigiisii ka soo baxay isagoo xagga masaajidka u socda markaasaa wuxuu arkay wiilkii oo wali halkii taagan oo oohini garkiisii qoysay . Markuu wiilkii dhallinyarada ahaa arkay ninkii beerta lahaa ayaa wuxuu ku yiri:- “Adeer waxaan diyaar u ahay inaan beerta kaaga shaqeeyo inta cimrigayga ka harsan anigoo waxba kaa rabin, waxaa kaloon diyaar u ahay inaan fuliyo wax kasta oo aad igu xukunto laakiin i saamax” , ninkii beerta lahaa intuu hoos u foorarsaday yarana fikiray ayuu ku yiriwiilkii:-” Wiilkayaw waxaan diyaar u ahay inaan hadda ku saamaxo , laakiin shardi ayaa ku xiran”, wiilkii ayaa intuu aad u farxay yiri shardi kasta iyo wax kastaba diyaar baan adeer u ahay.

Ninkii beerta lahaa ayaa yiri:-” Shardigaygu waxaa waaye inaad gabadhayda guursato”, wiilkii ayaa markuu shardigaasi maqlay dhulku la wareegay wuxuu ku hadlana garan waayay……Ninkii ayaa hadalkiisii sii watayoo wuxuu sii raaciyay:-”

Hase yeeshee wiilkaygiiyow ogow inantaydu way dhago laadahay, way indho laadahay, hadalkuna wuu ka xiran yahay, intaasna waxa u dheer waa curyaan, muddo badanna caruus ku habboon oo aan ku aamino kuna oggolaada tilmaamahaa ay leedahay ayaan u raadinayayoo waan u waayay,markaasi shardigaygaas haddii aad oggolaato xabaddii tufaaxa ee aad cuntay waan kaa saamaxayaa”, wiilkii oo shardigii gabadhayda guurso ahaa la dhakafaarsan wixii uu ka odhan lahaa ayaa markii inanta tilmaamaheedii odaygu u sheegay madixii sii ballaarday, waxaana maskaxdiisa mar kaliya buuxiyay jawaabo is khilaafsan, waxaana jawaabtii uu oran lahaaba kaga waynaaday bal sidii uu ula noolaan kari lahaa gabadhan duruufaha adduunku xarkaga ku xirxireen isagoo nin dhallinyaro ah iyo bal sidee bay talow ugu shaqayn dooni kartaa illayn dhinac kasta waatan ka xirane.

Dhinac kasta markuu arrinkii ka eegay wiilkii wuxuu talo ku gaaray inuu adduun iskaga sabro oo gabadha caynkaasa guursado si uu uga nabadgalo qaanta iyo dambiga ay leedahay xabadda tufaaxa ahi, waxaanu odaygii beerta lahaa ku yiri:-”Adeer waan kaa oggolaaday inaan gabadhaada guursado waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu igu abaal mariyo niyadayda wanaagsan iiguna baddalo dhibaatadani adduun khayr agtiisa ah”,waxaa lagu ballamay in maalinimada Khamiista ah uu dhaco guurku, wiilkuna uu guriga odayga yimaaddo, wuxuuna odaygu ku ballanqaaday inuu isagu bixin doono kharashka ku baxaya xafladda arooska gabadhiisa.

Maalinimadii Khamiista markii la gaaray ayaa wiilkii oo cagajiid ahi u soo dhaqaaqay gurigii loogu meherinayay gabadhii odaygu tilmaamaheeda u sheegay,isagoo aad mooddo in buur dusha laga saaray, murugaysan oo aan farxaddii nin aroosaya ka muuqan lahayd ay wajigiisa ka fog tahay,guur uma arkee wuxuu ugu xilanayaa dambiga xabadda tufaaxa ah inuu kaga badbaado kaliya ayaa ku kallifaya.

Gurigii ayuu garaacay waxaana ka furay odaygii oo goorahaaba sugayay….Meherkiiba dhacay odaygii baa intuu wiilkii si kalgacalyooyo leh u salaamay uguna duceeyay in Ilaahay isku barakeeyo khayrna dhexdooda ka yeelo ayuu xaggii qolkii gabadhu joogtay u kaxeeyay, markuu albaabkii hor geeyayna iskaga soo noqday.Wiilkii ayaa qolkii si cagajiid ah ku galay, albaabkii uu galayba soona xiray ayaa wuxuu arkay waxaanu filaynin….Qolka waxa dhex fadhida gabadh Ilaahay joog iyo jamaalba u dhaliyay, intay soo kacday ayay hadal naxariisi ku jirto ku tidhi:-”Saygaygiiyow soo dhawow”…

Sidii isagoo dhimbiil daba ku joogsaday oo kale ayuu dib u booday…Waa filan waa,wixii uu malaysanayay iyo sida xaqiiqdu noqotay ayaa laba aan is lahayn ku noqday, hadalkii ayaa ka soo bixi kari waayay,waxaa ka soo haray amakaag iyo yaab,quruxda iyo joogga gabadha ayaad moodaysay inay tahay xuural cayntii Jannada oo dhulka loo soo dejiyay,waxaa kale oo uu qaadan laayahay tilmaantii odaygu ka siiyay gabadha iyo weliba waxa uu is waydiinayay tolow maxaa ku kallifay inuu tilmaantaa bixiyo…

Gabadhii markay aragtay sida uu saygeedu iskugu buuqsan yahay dareentayna waxa madixiisa ku wareegaya ayay intay xaggiisa u soo dhaqaaqday gacantiisana dhuunkatay si qabow ugu tiri:-”Waan ka indho laayahay inaan xaaraan eego, waanan ka dhego laayahay xaaraan inaan maqlo, waanan ka hadal laayahay inaan wax xaaraan ah ku hadlo, lugahaygana waxaa ka reeban inaan xaaraan ugu dhaqaaqo..

Aabahayna kaligay ayuu dhalay,sanado badan ayuuna ii raadinayay suu (nin) wanaagsan oo i dhaqi kara,markaa markii aad ugu timid adigoo xabbad tufaaxa uga faxas qaadanaya una ooyaya arrinteeda, ayuu aabahay yiri qofka cunista xabbad tufaaxa oo uu xaaraan ku cunay ka baqanaya dambigeeda, inuu Ilaahay dartii gabartayda u daryeeli doono, markaa waan kuugu hambalyaynayaa inaand saygayga noqoto, aabahayna waxaan ugu hambalyaynayaa xididnimada aad la yeelatay.

Sanad kaddib gabadhaasi waxay ninkeedii u dhashay wiil ka mid noqday hormoodada cilmiga ee umaadda Islaamku yeelatay…..Ma garanaysaan wiilkaasi kuu ahaa……Wuxuu ahaa Abii Xaniifa oo ka mid ahaa afarta Imaam ee Mad-habaha waawayn ee muslimiintu ku dhaqmaan lahaa waa mad-habta Xanafiyada e…….


Aisha Mohamed



Fadlan Like Iyo Share si aad asxaabtada inTa internetka iSticmaasho ugu gudbiso Jazakallah

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada