R/wasaare Saacid oo safarkiisii ugu horeysey ku tegey degmada Afgooye

R/wasaare Saacid oo safarkiisii ugu horeysey ku tegey degmada Afgooye


R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa booqasho ku tegey maanta degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose. 

Wafdiga uu hogaaminayay R/wasaaraha oo safarkoodu ahaa mid dhulka ah ayaa la adkeeyay ammaanka wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye. 

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa ammaankeedu uu xumaa iyadoo dadka rayidka ah ay cabasho ka keenayeen ciidamada ammaanka ee ka howlgala wadadaas. 

R/wasaaraha oo markuu gaaray degmada Afgooye la kulmay maamulka iyo duqeyda degmadaas ayaa ka dhegeystey warbixino ku saabsan xaalada nolosha dadka ku nool degmada Afgooye. 

Waxana uu R/wasaaraha hadal uu u jeediyay shacabka reer Afgooye uu sheegay in aysan dowladu u dulqaadan doonin in ciidamada milatariga dhibaateeyaan dadka rayidka ah. 

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed, wasiir ku xigeeno iyo taliyaasha ciidamada Nabadsugida iyo ciidamada Booliiska iyo saraakiil kale.

Booqashada R/wasaaraha uu ku tegey degmada Afgooye ayaa ah tii ugu horeysey ee uu ku tago gobolka Sh/hoose tan iyo markii loo magacaabay R/wasaaraha Soomaaliya.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada