Gudoomiyaha xisbiga Turkida ee Dalka Bulgaariya oo si fara cidi leh uu kaga badbaaday Fal Dil ah ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Gudoomiyaha xisbiga Turkida ee Dalka Bulgaariya oo si fara cidi leh uu kaga badbaaday Fal Dil ah ..(Daawo Muuqaal+Warbixin)

ka badbaaday Fal Dil ah
Gudoomiyaha xisbiga Turkida ee dalkas Bulgaariya ayaa waxaa la sheegay inuu ka badbaaday.

isku day lagu dili lahaa ka dib markii ay dhici weysay pistoolad la doonaayeye  in madaxa.

looga toogto xilli uu qudbada ka jeedinaayey kulan ka dhacayey caasimada dalkaas bulgaariya ee Sofia.

 Gudoomiyaha xisbiga lagu magacaabo dhaqdhaqaaq xoriada iyo xaquuqda.

(Movement for Rights andFreedoms) ee ka dhisan dalka Bulgaria oo ay leeyihiin dadka laga tira badan yahay ee asal ahaan ka soo jeeda dalkaas Turkiga oo uu hogaamiyo.

 ninka lagu magacaabo Axmed Dogan ayaa waxaa la sheegay inuu si fara cidi leh uu kaga badbaaday fal la doonayey in lagu qaarijiyo.

 ka di b markii0. nin ku hubeysan pistooladanooca gaaska ah uu ugu soo dhacay masrax uu ka jeedinaayey hadal magaalada Sofia ee caasimada dalkaas Bulgaria,

Ninka damacsanaa inuu fakaas dilka ah fuliyo ayaa nasiib wanaag waxaa u dhici waayey pistooladii uu doonaayey inuu ninkaas ku dilo iyadoonba wixii markaas ka dambeeyey uu gudoomiyuhu iska difaacay ninkaas oo uu la qabsaday bistooladii ka dibna uu halkaas ka bilaabmay dagaal iyo hardan u dhexeeya.
 ninkaas iyo ilaaladii goobtaas sugeysay amaankeeda iyadoona markii dambe ninkaas lagu guuleystay in gacanta lagu dhigay  lona dhiibay booliiska dalkaas oo xabsiga dhigay.

Ugu dambeytiina iyadoo ninkaas ay booliisku xabsiga dhigeen ka dib markii laga daaweeyey dhaawac ka soo gaarey garaacid ay u geysteen.

 dad careysan oo ku sugnaa gooobtaas. ayaa booliiska oo faah faahin ka bixyey ninkaas waxay magaciisa ku sheegeen nin lagu magacaabo.

 Oktai Enimehmedov oo 25 sano jir ah, sidoo kale ayaa wasiirka arimaha gudaha ee dalkaas Bulgaria Tsvevtan Tsvetanov waxaa uu sheegay .

inuu ninkaas ahaa nin horey ugu caan ahaa fal dambiyeedyo la xiriiro dhac iyo ka ganacsiga daroogo, dad badan ayaa is weydiinayaa sida.

ay ugu suuro gashay inuu ninkaas la soo dhaafay ilaalada goobtaas oo amaankeeda aadka loo ilaalinaayey bistooladaas iyo 2 mindiyood oo  kale oo uu ninkaas ku hubeysnaa, goobtaas oo ay ku sugnaayeen xildhibaano iyo madax ka kala socotey dunida iyo marti kale oo lagu qiyaasay  ilaa iyo 3000 oo qofood.

_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada