Telefishinka Aljazeera oo iibsaday telefishinkii uu lahaan jirey Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ee Current Tv (warbixin)

Telefishinka Aljazeera oo iibsaday telefishinkii uu lahaan jirey Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ee Current Tv (warbixin)

Maamulka Guud ee Telefishinka Aljazeera ee saldhigiisa dhooxa ku yaallo Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa, ayaa waxa u qorsheysan inay hawada geliyaan Saldhig Telefishin oo lagu magacaabo Current TVv, kaasi oo ku yaalla dalka Maraykanka.

Telefishinka Aljazeera oo haatan leh Labo Channel oo ku kala hadla Luqadaha Carabiga iyo English, ayaa waxa uu noqday Telefishin sumcad ku dhex yeesha Dunida Muslimka iyo kuwa Kirishtaanka.
Tallaabadda uu Maamulka Aljazeera ku ballaarinayo Saldhigyadda ama Maxadaha War-baahineed, ayaa waxa uusan cajab gelinin Telefishinnadda kale ee ay xifaltamaan, siiba kuwa ay Xaruumahooda Dhexe ku yaallaan Dalalka ku yaalla Gacanka Carbeed.
Qaar ka mid ah Xeeldheerayaasha, aya dood ka keenay Kharajka lagu iibiyey Faraca Tv-ga Aljezeera ee loogu magac-daray Aljezeerta-America, iyadoo la saluugsan yahay Malaayiinta Dollar ee lagu iibsaday Tv-ga Current Tv, kaasi oo ay Maamulka Aljezeera ku iibsadeen adduun dhan 500-million oo Dollar ($500,,000,000).
Maamulka Guud ee Aljazeera, waxay bishii August ee sannadkii hore shaciyeen inay iibsanayaan Telefishinka Current Tv, oo uu lahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Maraykanka, Algore.
Faallo dheer oo Websiyte-ka Alkarabia ee ay xifaltmaan Aljazeera dhawaan lagu daabacay ayaa sheegay in ay tallaabadda Iibsashadda Current Tv tahay qamaar khatar leh (A RISK Gamble), iyagoo sheegay inaysan wax badan Aljazeera ka macaashi doonin Telefishinka cusub ee ay iibsadeen.

Falaanqeynta ayaa lagu xusay inaysan Aljazeera hawada kula tartami karin Telefishinadda Maxalliga ee ay inta badan daawadaan Dadka ku nool Maraykanka iyo dalalka kale ee ku yaalla Waqooyiga America.
Isbarbar lagu sameeyey Tartanka Telefishinnadda Maraykanka iyo Telefisinka cusub ee Aljazeera-Amereica, ayaa lagu sheegay inay Aljazeera bilow ahaan u haysato 42,000 oo Macaami si ay Telefishkooda u daawadaan, iyadoo Telefishinnadda caanka baxay sida ah Fox News iyo CNN ay maalin si joogto ah u daawadaan Labo Million oo qof.
‘Telefishinka cusub ee Aljazeera-America, waxaa dawanayso bilow ahaan 42,000 oo qof, taasi oo waa tiro aad u yar marka loo eego tiradda Mujtamaca Maraykanka oo tiradoodu dhan tahay 300-million oo qof’’ ayuu yiri Flaanqeeye saluugsan qaabka Tv-ga Cusub uu ku hannan karo Malaaynn Macaamiil oo si joogto ah u daawadaan.
Saldhig Telefishineedka Current TV ee ay Aljazeera iibsatay waxaa asaasay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Maraykanka Algore sannadkii 2005-tii,
Algore iyo shaqsiyaadkii la maalgeliyey Telefishinka Current, ayaa waxaa la sheegay inay macaash badan ka heleen iibintaasii, iyagoo horey la yaabanaa qaabka ay u sii wadi lahaayeen Telefishinkaasi oo musuq iyo maamul-xumo ba’an ay ragaadisay.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada