Wiil Yar oo Leh Midab Soomali oo Lagutilmaamay Laacib Dunida Kuleh Mustaqabal Daawo Video.

Wiil Yar oo Leh Midab Soomali oo Lagutilmaamay Laacib Dunida Kuleh Mustaqabal Daawo Video.

Kooxda Kubada cagta ee Fc Barcelona ayaa gacanta ku dhigtay Wiil yar oo 11 jir ah una dhashay dalka Brazil kaas oo lagu magacaabo Cassiano Bouzon. 

Wiilkaan yar oo la isku raacay in uu yahay Leo Messi yar waxa ay isku mid ka yihiin meelo badan sida Gaabnida ,Oradka, Kubad dafida,Gambiska iyo waliba Wiilkaan yar oo sidoo kale Kubada wax ku ciqaabo Lugta Bidix. 


Muuqaal Video ah oo laga soo duubay Wiilkaan yar ee reer Brasil ayaa waxa uu sababay in isaga iyo Aabihiis looga yeero dhanka dalka Spain gaar ahaan kooxda FC Barcelona.

Wiilkaan yar markii la tijaabinayay waxaa goobtii guud ahaan soo wada xaadiray inta badan Laacibiinta kooxda Fc Barcelona kuwaas oo Cassiano Bouzon aad u amaanay xirfadiisa Kubadeed ee mucjisada xambaarsan.


Ciyaaryahan Lionel Messi markii la keenayay kooxda Fc Barcelona waxa uu ahaa 13 jir balse Xiddigaan cusub ayaa iminka galay kaliyah sanadkiisii 11-aad.

Shacabka dalka Brazil ayaa durbadiiba bilaabay in ay ku faanaan Cassiano Bouzon waxaana sidoo kale Mucjiso cusub ku tilmaamay Laacibiin caan ah oo Dunida soo maray.

Cassiano Bouzon oo lagu xareeyay Iskuulka Ciyaalka Kubada cagta kooxda Fc Barcelona ee La Masia Academy ayaa waxaa lagu wadaa ama uu safan karaa Mucjisadaan cusub marka uu gaaro 16-jir.


_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada