Alshabaab Oo Wiil Dhalin Yaro Oo Kirshbooy ah Ku Hor Gowracay Aabihiis ( Daawo Sawiro) - Digniin Ha Daawan Hadaad Qaangaar Aheyn

Alshabaab Oo Wiil Dhalin Yaro Oo Kirshbooy ah Ku Hor Gowracay Aabihiis ( Daawo Sawiro) - Digniin Ha Daawan Hadaad Qaangaar Aheyn

Xarakad Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay Gowraceen Nin Kirishbooy ka ahaa Baabuurta BL-ka ah ee ka shaqeysa inta u dhexeysa Degmada Bardaale iyo Baydhabo ee Gobolka Bay.
Wararka ayaa sheegaya in Alshabaab ay Ninkan kala dageen Baabuur uu ka ahaa Kirishbooy, xili uu marayay inta u dhexeysa Bardaale iyo Baydhabo, gaar ahaan Deegaanka Aw Diinle.
Dagaalyahano ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay Ninka ku amreen inuu ka dago baabuurka, waxayna rakaabki iyo darawalki ku amreen inaysan dhaqaaqi karin oo ay ku sugnaadaan meeshooda.
Daqiiqado yar gudahood ayay Alshabaab ku Gowraceen Ninki Kirishbooyga ahaa, isla marki ay Gowraceen ayay Meydka waxa ay ku amreen inuu qaato Ninka Aabihiis oo la socday Baabuur, iyagoo si jees jees ah ku yiri wiilkaaga waa kaase qaado oo Baydhabo geyso.
Dadkii Rakaabka ahaa oo uu ka mid yahay Aabaha dhalay Kirishbooyga la Gowracay ayaa waxaa ay u soo dhaqaaqeen dhanka magaalada Baydhabo, waxaana marki ay soo gaareen magaalada la yaabay arintan dadka shacabka ah, iyagoo aad uga argagaxay falkan foosha xun.
Warar hoose oo laga helay dilka Ninkan ayaa sheegaya in uu ka tirsanaan jiray Ciidamada Dowlada, balse waayihii dambo uu ka tagay oo iska bilaabay shaqooyinka caadiga ah sida Kirishbooy.
Ilaa hada lama yaqaano sababta alshabaab ku xambaartay inay wiil aabihiis ku hor gowracaan, waxayna tani ka mid tahay dhibaatooyinka ay shacabka kala kulmayaan dhinacyada isku haya awooda dalka Soomaaliya.

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada