Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay Oo Soo Gaaray Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska. Daawo Sawiro

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdigii uu Hogaaminaayay Oo Soo Gaaray Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska. Daawo Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda Dalka Ingriiska ee London.


Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay

Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan Dalka Ingriiska .

Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka








_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada