Aniga aakhiro kuma dubaayo Doorsho (Qiso kaa qoslin doonta)

Aniga aakhiro kuma dubaayo Doorsho (Qiso kaa qoslin doonta)

Hadda kahor ayaa waxa qiso qosol leh ku dhacday nin lagu magacaabo Xasan xamari oo ah dadka reer Baanadiriga ah ee ku nool magaalada Muqdisho waxa uu foorno Sameysa rootiga iyo doolshaha sameyso kulahaa degmada Xamar-weyne ee gobalaka Banaadir.

Xasan xamariFoornadiisa waxaa mararka qaar dhacd in laga xado qalabkii uu ku shaqeeyo oo ay ka mid yihiin  qalabka lagu sameeyo Doolshaha’ cida kaxadana ma ogaan jirin waayo ruuxa ka xadayo waxa uu ahaa nin xariif ah oo dabooli jiray qiyaanada ninkaan.

Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa dhacday in ninkii foornada lahaa oo joogo goobtiisa shaqada ay ishiisa qabatay mid kamid ah shaqaalihiisa oo Bac-madow ku guranaya qalabka lagu sameeyo Doolshaha waxa uuna ugu gambaday meel darbi ah ilaa uu ka dhameesto hoshiisa isla markaana uu Albaabka kabaxo intaasna lama uusan hadleeyn ninka foornaalaha ah ninka tuuga.

Maalintii dambo ninkii foornada lahaa ayaa waxa uu yimid ninkii kaxaday qalabka isagoo weydiiye halka uu geeyo qalabkii uu ka qaatay foornadiisa’ Ninki ayaa inkiray in qalbkiisa uu ka qaatay  hasa ahaatee ninkii foornada lahaa ayaan ka yeelin oo qeylo afka furtay waxaana goobta ku soo xoomay dad aad ufarabadan oo isku daye in ay xaliyaan muranka Labaadan nin.
Mid kamid ah dadkii ayaa weydiiye Ninkii foornaalaha ahaa waxa uu ku heesto ninkaan Foornaalihii ayaa ku jawaabay “waxa uu igaxaday anigoo arkayo Alaabta lagu sameeyo Doolshaha”Ninkii wax xaday ayaa iska inkiray in uu Alaab xaday.

Mid kamid ah dadkii ku soo baxay buuqa labadan nin ayaa ku qanciye ninka wax laga xaday ssida tan” walaal iska daa maalinta Aakhiro ayaad heleeysaa iyagoo ka culeys badan sida maanta ay yihiin” Ninkii Foornaalaha ahaa oo kor uqeylinya ayaa yiri “Allow anigaa Shiiqoow seey kaa noqotay Aniga Aakhiro Doolsho maan ku dubaa xaasi sanaa waxey hada ayeey I anfacayaan.

Dakii goobta ku sugnaa ayaa mar qura qosol afka lafurtay.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada