Kerry oo ka Digay Dhimista Miisaaniyadda

Kerry oo ka Digay Dhimista Miisaaniyadda

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in dhimis miisaaniyadeed ee iskeed u hirgasha bisha March ee ay dhaawac weyn u geysan karto siyaasadda dibadda ee Maraykanka.
 
Khubadiisii ugu weyneyd ee uu jeediyo ayaa Mr. Kerry uu ku sheegay in siyaasadda dibadda ee Maraykanku ay wax weyn ka tarto deganaanshaha caalamka, isla markaana “ay maalgashi wanaagsan u tahay Maraykan xoog badan iyo adduunyo xor ah.”
 
Waxa loogu yeero miisaaniyad dhimista “faro maroojiska ah” ayaa ah wax ka dhashay ismaandhaafka u dhexeeya Madaxweyne Obama iyo Aqalka Hoose ee congresska. Afhayeenka congresska John Boehner ayaa sheegay in ay madaxweynaha ku xiran si dhimsitan looga fogaado.
 
Isaga oo Arbacadii shalay hadal ka jeedinaya Jaamacadda Virginia ayaa Mr. Kerry sheegay in go’aamada siyaasadda dibadda ee Maraykanku ay raad ku leeyahay nolosha dadka Maraykanka ah, laga bilaabo badeecadaha la iibinayo lana soo iibsanayo ilaa iyo shaqooyinka ay abuurayaan shirkadaha Maraykanku.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada