Reer Galbeedka oo Diinta Islaamka kala bartay ka dibna Suni & Shiico qoorta isku galiyay (Daawo Muuqaal ahaan Xabada oo si live ah u socota)

Reer Galbeedka oo Diinta Islaamka kala bartay ka dibna Suni & Shiico qoorta isku galiyay (Daawo Muuqaal ahaan Xabada oo si live ah u socota)


Wadamada Yurubta iyo Mareeykanka ayaa xiligaan waxa ay si aad ah u kala barteen hab dhaqanka Muslimiinta Suniga ah iyo kuwa Shiicada ah ka dibna waxeey si aan qarsooneeyn ugu guuleeysteen in ay qoorta isku galiyaan Suniyiinta iyo Shiicada oo dalal fara badan isku fara saaray. 


Waxaa Cajiib ah oo aad loola yaabay Talefishinada dalalka reer Galbeedka oo kala bartay wadamada ay ku kala awood badan yihiin Muslimiinta Suniyiinta ah iyo kuwa Shiicada ah.

Wariyaashii dalalka Yurub oo kala bartay awooda Muslimiinta Suniyiinta ah iyo kuwa Shiicada ah ayaa waxa ay leeyihiin Awooda ama xooga Suniyiinta ayaa 75% waxa ay ku nool yihiin dalalka Masar iyo Sucuudiga balse Shiicada awoodeeda ama dadka ugu badan ee heeysta madhabtaas ayaa lagu sheegay in ay ku nool yihiin dalalka Iiraan ,Yeman iyo Ciraaq.

Wadamadaan laga faaloonayo qaarkood waxaa qoorta la isku galiyay Shacabka walaalaha ah ee Suniyiinta iyo Shiicada kuwaas oo bilaabay in ay Diin Diin isku laayeen iyaga oo hadane wada sheeganaya in ay yihiin dad Islaam ah. 

Dalka Syria ayaa ugu dambeeyay oo maalintii shalay eheeyd ay hubkooda qaateen rag Shiico ah oo doonaya in ay difaacaan Madaxweeyne Bashar Al Asad kuwaas oo lagu soo aqriyay in Maleeshiyaadka Suniyiinta ah ay isku soo baheeyteen sidii ay u dhibaateeyn lahaayeen bulshso weeynta Shiicada ah. 


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada