Dowlada Dalka South Africa oo isku shaabadeysay Ama ku faantay filimkii Asad ee ka hadlayay Somaliya(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dowlada Dalka South Africa oo isku shaabadeysay Ama ku faantay filimkii Asad ee ka hadlayay Somaliya(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Dowlada dalka South Africa ayaa waxaa la sheegay inay isku shaabadeysay oo ayna ku faanto amaanta iyo sumcada qiimaha leh ee uu soo jiiday filimka Asad ka dib markii Filimkaas loo magacaabay abaalmarimta Oscarka oo ah tan ugu qiimo badan aduunka ee xaga filimada. 

Warbaahinta dalkaas Koonfur Afrika ayaa waxaa la sheegay inay maalmihii la soo dhaafay si weyn u hadal hayeen filimkaas Asad ayagoona ku sheegaayey inuu yahay guul u soo hoyatey dalka iyo dadka reer South Africa, sidoo kale ayaa waxaa arintaas guul weyn ku tilmaamay shirkadaha sameeya Filimada dalkaas Koonfur Afrika iyagoona sheegtay inay arintaani tahay guul aan la iloobi karin islamarkaana ay sumcad weynu soo jiidayso suuqa filim sameynta ee dalkaas Koonfur Afrika, Filimkaan ASAD oo marka laga reebo abaalmarinta Oscarka ah ee uu u sharaaxan yahay sidoo kale ilaa iyo hada ku guuleystey 13 abaalmarinood oo kala duwan ayaa ah filim ka hadlaayey burcad badeeda Soomaaliyeed islamarkaana ay jilayeen dad Soomaaliyeed oo ah qaxooti ku nool dalkaas South Africa, Filimkaan Asad oo ay sheekadiisu ku saabsan tahay wiil yar oo Soomaali ah oo ku jaahwareersan inuu kala doorto burcadbadeednimo iyo inuu ka shaqeysto kaluumeysiga ayaa waxaa jilaayey laba wiil oo walaalo ah lagu kala magacaabo Haaruun (ASAD) Maxamed iyo Cali Maxamed iyadoona sidoo kale dhamaan dadka kale ee ka qeyb qaadanaayo filimkaas ay yihiin Soomaali qaxooti oo ku nool dalka South Africa, Laakiin maadaama xaalada dalka Soomaaliya ay saamixi weysay in filimkaas lagu jilo ama lagu sameeyo ayaa sida uu sheegay Bryan Buckley oo ah soosaaraha filimkaas waxaa uu door biday inuu filimkaas ku sameeyo dalka South Africa iyadoona filimkaas lagu sameeyey tuulo xeebeed lagu magacaabo Paternoster oo ku taalo galbeedka magaalada Cape Town, iyadoona ay filimkaas sameyntiisa ku lug lahayd ama duubitaankiisa ay lahayd shirkada filimada Cape Town Film Studio.

Ugu dambeyntiina iyadoo marka laga reebo in filimkaas lagu sameeyey dalka Koonfur Afrika aysan wax ka badan intaas ku lahayn oo darektorka iyo soosaaraha filimkuba oo kala ah Bryan Buckley iyo Mino Jarjoura oo ka tirsan shirkada lagu magacaabo Hungry Man ay labaduba yihiin dad u dhashay dalka Mareykanka, Laakiinse uu caawiyey ninka lagu magacaabo Rafiq Samsodien oo u dhashay dalkaas South Africa ayaa filimkaas ASAD waxaa gebi ahaantiisa ka shaqeeyey dad Soomaaliyeed oo ku nool qaxootina ku ah dalka Koonfur Afrika sidaas awgeedna wixii wanaag iyo sumcad ah ee filimkaas la yimaado waa mid ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, Filimkaan oo u sharaxan Best Short Film ayaa waxaa la ogaan doonaa 24ka bishaan inuu ku guuleysto iyo in kale, Dadka Soomaaliyeed ee xiisaynaayo filimkaan inay daawadaan ayaa ah inay xoogaa dul qaataan oo ay sugaan asagoona filimkaan uu dhawaan un loo soo bandhigay shaneemooyinka oo aan DVD ahaana loo soosaarin sidoo kale filimkaan ayaa ah filim aad iyo aad u kooban asagoona soconaayo qiyaas ahaantii ilaa iyo 16 daqiiqo oo kaliya. 

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada