Ciidamada Xooga Soomaaliya maleeyihiin xeryo ciidan yaase heesta hada

Ciidamada Xooga Soomaaliya maleeyihiin xeryo ciidan yaase heesta hada

Iyaga oo isku diyaarinaya in ay ciidamada Soomaaliya ku tababaraan waddanka gudihiisa, ayaa ciidanku ka codsaday dadka waddanka gudihiisa ku bara kacay iyo kuwa sharci darrada ku degan xeryaha milatariga ee Muqdisho kuyaala inay iskood uga guuraan goobahaas hadii kale xoog ayaa looqa raridoona marka lagaaro Febraayo 25-teeda.

Janaraal Cabdullaahi Cali Cusmaan, oo ah Taliyaha Guutada labaaad ee ciidanka masuulka looga dhigay xoraynta aagagga koonfurta-galbeed oo ay ku jiraan Shabeelada Hoose, Baay iyo Bakool, Gedo, Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose, ayaa u qabtay dadka sharci darrada ku degan iyo kuwa waddanka gudihiisa ku bara kacay mudo 30 maalmood ah inay guryahoodii ugu noqdaan.
“Xoog ayaan ku galaynaa guryaha sharci darrada ah haddii aysan amarkeena u hoggaansamin, waxaanan xidhi doonnaa qof alla qofkii iska caabin sameeya ama xaaladda ammaanka khalkhal galiya,” Cusmaan ayaa yiri.

Ciidanka Soomaaliya ayaa hadda degan laba xero oo ku yaala aagagga Kaxda iyo al-Jasiira ee koonfurta-galbeed ee caasimada, iyada oo xeryahoodii hore ay dagan yihiin ganacsato maxalli ah oo hubaysan iyo dadka waddanka gudihiisa ku bara kacay.

“Waxaan leeyahay arrintaasi waa dhamaatay ka dib markay 21 sano ka faa`iidaysanayeen dhismayaasha dawladda,” ayuu yidhi. “Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ogaado in ciidanku uu si adag ula dhaqmayo kuwa degan xeryahooda.”

Cusmaan ayaa sheegay in dawladdu ay qorshaynayso in ay dib u dhisto isbitaalka milatariga ee Hodan, garoonka milatariga ee ku dhagan Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, Shiirkole Ofishaale oo ahayd xarun ay saraakiisha dawladdu ku nasan jireen oo ku taala Hawl-wadaag, iyo dhamaan xarumaha kale ee ciidamada oo ku yaala degmooyinka Hodan iyo Dayniile.

Dawladaha saaxiibada ah ayaa ku kaalmaynaya Soomaaliya dhisitaanka xarumahaas tababarka iyo daryeelka oo loo diyaarinayo ciidamada Soomaaliya, iyo xarumo kale oo qalabka lagu sameeyo sida warshad cusub oo lagu samaynayo dharka milatariga ee ay xidhaan saraakiisha iyo warshad kale oo samaynaysa alaabta gasacadaysan oo loogu tala galay xubnaha ciidanka qalabka sida, Cusmaan ayaa sidaas sheegay.

Taliyaha ciidanka Soomaaliya Janaraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa ka codsaday dagaal yahaniinta al-Shabaab in ay is dhiibaan si ciidanka qalabka sida ay xooga u saaraan dhisitaanka xarumaha ciidanka iyaga oo kaashanaya waddamada shaqo wadaaga lala leeyahay iyada oo hadafku yahay tababarka iyo qalabaynta ciidanka.

“Ma doonayno in aan wada dilno wiilasheena ku dagaalamaya magaca Al-Shabaab, kuwaas oo ah koox magac xumaynaysa Islaamka,” ayuu yidhi.
“Hadda waxaan ku sugan nahay xaalad dagaal oo aan kula jirno argagixisada Al-Qaacida iyo Soomaalida la socota ee waddadii saxda ahayd ka leexatay,” ayuu  sheegay Taliyuhu. “Waxaan cadawga kula dagaalamaynaa hal gacan anaga oo gacanta kalena ku dhisayna xarumaha milatariga.”
Waddamada Dereska Nala ah oo kordhinaya kaalmada Ciidanka Soomaaliyeed" Labadii bilood ee la soo dhaafay, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Wasiirka Difaaca Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi waxay ku mashquulsanaayeen la kulanka Madaxda Ajaanibta ah si ay maalgalin iyo taageeraba ugu helaan arrimaha horumarka iyo ammaanka.

Fowsiyo ayaa ka heshay Talyaaniga kaalmo ah dhinaca garsoorka, ammaanka iyo horumarka ka dib markii ay Rooma kula kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Giulio Terzi di Sant’Agata.

Somaaliya ayaa sidoo kale Turkiga la saxiixatay iskaashi Milatari Diseembar 6-deedii si loo adkeeyo wadashaqaynta xoojinaysa Ciidanka Soomaalida, dhidibadana u sii aasaysa xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya.

Hadal ka soo baxay Raadiyaha Turkiga iyo Hay’ada Telefishinka Janaayo 19-keedii, ayaa Fiqi ku sheegay in 120 saraakiil Soomali ah iyo ciidamo lagu tababari doono sanadkan waddanka Turkiga.

“Ammaanka ayaa ah muhiimada noogu wayn, Al-Shabaabka Soomaliduna ma aha khatar maxali ah kaliya ee waa mid caalami ah,” ayuu yidhi. “Waa muhiim in beesha caalamka ay na taageerto ilaa iyo intii aan cagaheena kaga istaagayno.”

Si ay u sii wado taageerada sugidda ammaanka iyo nabada ee Soomaaliya, ayaa Wasiirka Turkiga ee Horumarinta Cevdet Yilmaz uu Janaayo 27-deedii u gudbiyay jeeg $1-milyan ah oo ka socda dawladda Turkiga Ergada Midawga Afrika ee Soomaaliya..
Diyaarinta Ciidanka Soomaaliya si ay ula wareegaan Nabadgelyada Dalka
Mukhtar Cusmaan Rooraaye, oo ah khabiir Soomaaliyeed ee dhinaca milatariga, ayaa sheegay in saraakiil Yurub ah oo ka socota Spain, Jarmalka, Faransiiska, Belgium iyo Holland ay boqolaal ciidan Soomaali ah ku tababarayaan xero milatari oo u dhaw Kampala, Uganda. 

Dawladaha Suudaan iyo Itoobiya ayaa iyaguna door wayn ciyaaraya iyaga oo ciidanka iyo booliiskaba ku tababaraya sidii ay ugu jawaabi lahaayeen dagaal yahniinta lala galayo dagaalada dhuumaalaysiga ah, ayuu yidhi.

Ka dib markii ay Golaha Midawga Yurub kordhiyeen tababarkii dhinaca Ciidanka Soomaaliya kuna kordhiyeen labo sano bishii Janaayo 22-deedii, ayay Ergada Tababarka Midawga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) sheegtay in ay “Sii wadi doonto wax ka qabadka xoojinta ciidanka Soomaaliya si ay ugu dambayntii ula wareegaan mas’uuliyada ammaanka”.

Qiyaastii 3,000 oo ciidamo Soomaali ah ayaa barnaamijka EUTM Soomaliya lagu tababaray ilaa iyo markii la bilaabay Febraayo 2010.

Rooraaye ayaa sheegay in dawladaha saaxiibka ah ay u badan tahay in ay ugu deeqaan qalab milatari oo casri ah ciidanka Soomaaliya haddii Qaramada Midoobay ay u codayso in laga qaado cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saarnayd taniyo 1992.

“Sababo la xidhiidha niyad adaygooda iyo go’aankooda adag, ayay ciidanka Soomaaliya, kaas oo aan haysanin taangiyo, madaafiic, gawaadhi gaashaaman ama dhar milatari, ula dagaalamayaan cadaw dambiile ah oo doonaya inay burburiyaan ayna argagixiyaan dadkooda iyo dhamaan shacabka waddamada Bariga Afrika, gaar ahaan Kenya, Itoobiya, Ugaandha iyo Burundhi,” Rooraaye ayaa sidaa ku doodaya
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada