Dagaal ka qarxay magaalada Kismaayo iyo Isgaarsiinta oo hawada laga saaray

Dagaal ka qarxay magaalada Kismaayo iyo Isgaarsiinta oo hawada laga saaray


Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa goor dhow ka qarxay magaalada Kismaayo, iyadoo inta badan Xoogaga Raaskambooni laga saaray magaalada.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan oo socday muddo 45-daqiiqo ayaa keenay in Isgaarsiinta hawada laga saaro, waxaana si dhab ah loo ogeyn qasaaraha dagaalka ka dhashay.
Wararka ayaa sheegaya in Isgaarsiinta degmada hawada laga saaray, iyadoo Xoogaga Raaskambooni ay u baxeen dhinaca wadada aada Afmadow, halkaasoo ah halka loo riixay.
Dagaalka ayaa salka ku hayay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo ay xalay xireen Raaskambooni, taasoo keentay in Ciidamo ku beel ahaa ay weerar ku qaadaan Xarunta saldhiga, waxaana kadib laga saaray saldhiga Xoogagii Raaskambooni.
Xaafado dhowr ah ayuu dagaalka saameeyay, mana jirin ilaa iyo hada cid soo kala dhex gashay, gaar ahaan Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxaana adag in la ogaado xaalada guud ee magaalada
Dagaalka ka bilowday magaalada Kismaayo ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta lagu waday magaaladaas inuu ka furmo shirweyne maamul loogu sameynayo, kaasoo uu dib u dhac ku yimid.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka KMG ah ee Kismaayo gacanta ku haya, iyadoo inta badan Idaacadaha Muqdisho ay hadal hayeen dagaalka ka socda Kismaayo.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada