Dagaalyahano Soomaali ah markii ugu horeesay la sheegay in ee gaareen Dalka Mali si ay ugu biiraan Dagaalada Dalkaasi kajira

Dagaalyahano Soomaali ah markii ugu horeesay la sheegay in ee gaareen Dalka Mali si ay ugu biiraan Dagaalada Dalkaasi kajira


Wargeys kafaalooda Arimaha Argagaxisada iyo Dagaalada ayaa shaaca la qaaday in Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab oo ka baxay Soomaaliya in ay gaareen Dalka Maali ee hada kuxoogeesanayaan Kooxo Al-Qaacida Xariir la leh.

Wargeyska ayaa xusay in Dagaalamayaashan Al-Shabaab katirsan oon tiradooda badneyn ee gaareen dhanka Saxaraha Maali iyagoona ku biiray Dagaalyahano kale oo Al-Qaacida katirsan oo kusugan Dalkaasi Mali.

Dagaalyahanada Al-Qaacida katirsan ayaa hada isku uruursanaya Buuraha Dalka Maali halkaasi ee gaareen rag Mintidiin ah oo ka tagay wadamo kala duwan si ay garab usiiyaan Al-Qaacida ka dagaalanta Dalka Mali.

Kooxaha Al-Qaacida Xiriirka la leh ee ka dagaalama Dalka Maali ayaa horey u qabsaday Magaalooyin iyo Deegaano muhiim ah oo Dalkaasi ku yaala inkastoo markii dambe ee wajaheen Dagaal culus uu Faransiisku hor kacayay kaa oo horseeday in Kooxaha Islaamiyiinta laga saaro dhul badan ee horey u qabsadeen.

Al-Shabaab ayaa kamid ah Ururweynaha Al-Qaacida iyadoona Gurmadyo kala duwan u dirtay Dalal ee Al-Qaacida ka dagaalmaan Sida Yaman iyo Dalal kale ,sidoo kale Al-Shabaab ayaa dhankooda hela gurmadyo kaga yimaada Dhanka Al-Qaacida inkastoo mudooyinkan yaraadeen maadama awooda Al-Shabaab ee ku lahaayeen gobolada Dalka ee soo uruureen.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada