Dema Ba ” Waan Sugi La Ahay In Aan Masjidka Al-aqsaa Ku Soo Tukado

Dema Ba ” Waan Sugi La Ahay In Aan Masjidka Al-aqsaa Ku Soo Tukado


Weeraryahanka Chelsea Demba Ba ayaa muujiyay rabitaankiisa ah sida uu u doonayo in uu ku soo tukado masjidka Al-aqsaa ee magaalda Qudus ee dalka Falastiin , iyadoo uu horay ugu soo tukaday sanadkii hore masjidka Nabawiya ee magaalada Madina Al munawara ee dalka Sacuudi Carabiya .
 
Waqti sii horeeyay oo bishii hore ah ayuu laacibkaan Ba waxa uu sawirka minaarta masjidka Al-aqsaa dhigay Profile-kiisa bogga twitter-ka.
 
Demba Ba ayaa si weyn u daafacay wareysi uu siiyay wargeyska La Gazeta Dello Sport ee ka soo baxa dalka talyaaniga diinta islaamka oo uu ku tilmaamay diin cafis iyo wada noolaasho xanbaarsan.
 
Waxa uu carabka ku adkeeyay in shanta salaadood waqtigooda uu ku tukado masjidka , iyadoo uu tilmaamay in uu quraanka aad u soo jiitay kuna fiican yahay , iyadoo uu intaa ku daray in uu haatan barto luqada carabiga si joogta ah iyadoo uu doonayo in qur`aanka uu si waca uu u fahmo Ba waxa uu intaa ku daray in labaadiisa caruur baro luqada carabiga uuna ku tarbiyeeyo gudashada waajibaadka diiniga ah.


Waxa uu laacbkaan 28-ka Sano galaya dhawaan shaaca ka qaaday in isaga iyo saaxibkiisii Newcastle Hatem Ben Arfa ay salaadda ku soo wada tukan jireen masaajid ku yaal magaalda Newcatale iyadoo uu xusay in salaada oo lagu tukado jamaaco ay siineyso shucuur deganaasho, sidoo kalana isaga iyo Hatem Ben Arfa ay salaadda ku wada tukan jireen gudaha xarunta tababarka si salaadda aysan waqtigeeda u dhaafin.


Xigasho: Laacib.net

_________________________________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada