Dhacdo mucjiso oo ka dhacday Dalka Ingiriiska ka dib markii ay waalidiin madow ah ay dhaleen gabar cadaan ah (Daawo Muuqaal ahaan)

Dhacdo mucjiso oo ka dhacday Dalka Ingiriiska ka dib markii ay waalidiin madow ah ay dhaleen gabar cadaan ah (Daawo Muuqaal ahaan)

Dhacdo mucjiso iyo layaab leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalkass Ingiriiska ka dib markii ay waalidiin madow ah ay dhaleen gabar cadaan ah arintaas oo yaab ku noqotey dhamaan dadka aduunka.
Waalidiintaan madowga ah oo ah nin iyo xaaskiisa oo is qaba laguna magacaabo Benjamin iyo Angela Ihegboro ayaa waxaa la sheegay inay u dhalatey gabar mucjiso ku noqotey qoyskaas, gabadhaas oo loo bixiyey Nmachi ayaa waxay tahay mid ka duwan reerka intiisa kale iyadoona ay gabadhaas tahay gabar cad islamarkaana kleh timo blond ah arintaas oo ah mid aad iyo aad uga fog waalidka dhalay gabadhaas oo ah dad Afrikaan ah oo asal ahaana ka soo jeedo dalka Nayjeeriya laakiin ku nool dalkaas Ingiriiska, qoyskaan oo leh caruur kale ayaa iyagu ka duwan gabadhaas iyagoona ah caruur madow ah sida waalidkood oo kale.
Daawo Muuqaal ahaan Mucjisada Layaabka leh 


Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan la yaabka leh la garan waayey waxa lagu fasiro islamarkaana ay dhaqaatiirtuna sidoo kale ay sheegi waayeen sababta keentay arintaas ayaa hooyada dhashay gabadhaas waxay ku fasirtey arintaas inay tahay mucjiso rabaani ah islamarkaana aysan jirin cid wax ka sheegi karta arintaas, aabaha dhalay gabadhaas ayaa waxaa uu sheegay inkastoo uu la yaabay markii uu arkay gabadhaas hadana uu aaminsan yahay inay gabadhiisa tahay asagoona sheegay hadii ay xaaskiisu qiyaami lahayd inaysan gabashaasi aysan sidaas u ekaateen oo uu xataa xoogaa madow ah soo gali lahaa midabkeedu, dhaqaatiirtii baartey gabadhaas ayaa sheegay inay caafimaad qabto islamarkaana aysan ahayn qof qaba cudurka Albinoha oo ah cudur dadka midabka madow u yeela kor cadaan ah, iyagoona ay dhaqaatiirtu ku macneeyeen in laga yaabo in qoyskaasi ay awoowayaashoodii hore ay sidaas oo kale u cadaayeen laakiinse aysan hada u heynin wax sabab ah arinaan mucjisada iyo la yaabka ku noqtey qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada