Dhaqax Xagga Meeraha Dhulka Kaga Soo Dhacay

Dhaqax Xagga Meeraha Dhulka Kaga Soo Dhacay


Dhagax weyn oo ka yimid hawada sare ayaa si nabdoon ku soo gaaray dhulka, waxuuna noqonayaa dhagaxii ugu balaaraa ee taariikh ahaan la ogyahay ee ka yimaada seeraha hawada sare ee dhulka soo gaara.
 
Hay’adda Hawada Sare ee Mareykanka ee , NASA, ayaa sheegtay in dhagaxan oo lag qiyaasay 45 meter uu soo maray 28, kun oo Kilometer oo meeraha dhexdiisa ah Jimcihii shalay halkaas oo ka dhow meelaha ay gaaraan qaar ka mid ah dayax gacmeedyada.
 
Dhagaxan ayaa dhulka soo gaaray, saacado un ka dib markii, dhagax kale oo kaa ka yar uu ku qarxay hawada dusha buuraleyda Ruushka ee, Ural.
 
Seynisyahanada iyo cirbixiyeenada hay’adda NASA ayaa ka digay todobaadkii la soo dhaafay in dhagaxaasi weyn oo afka qalaad lagu yirahdo (Aasteroydh) uu dhulka ku soo wajahnaa, laakiin waxey sheegtay in aaney jirin fursad uu dhagaxaasi dhulka ku soo gaari karay.
 
Dhagaxaasi oo ku socday xawaare ayaa aad uga yaraa in isha Bani aadamka ay qabato markii uu duulayay hawada sare.
 
Laakiin cirbixyeenada Australia ayaa awooday inay daawadaan dhagaxaasi xilli uu iftiin bixinayay hawada sare, iyagoo ku eegayay qalab lagu daawada iftiinka iyo qoraxda.
 
Dhagaxaasi ayaa la sheegay inuu ku socday xawaare sideed jeer ka badan kan ay ku socoto – qabad ka dhacday qori.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada