Itoobiya oo markii u horeysay sameysatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones

Itoobiya oo markii u horeysay sameysatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones


Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay markii u horeysay ku guuleysatay inay sameysato diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, si ay u xoojiso dagaalka ay kula jirto Islaamiyiinta Soomaaliya ka dagaalama ee Al-Shabaab.

Sarkaal u hadlay Milateriga Itoobiya ayaa sheegtay in muddo dheer ay dadaal ugu jireen sidii ay u sameysan lahaayeen diyaaradaha aan cidna wadin, iyadoo wajaheysay fariimo hanjabaado ah oo uga imaanayay Al-Shabaab.

"Al-Shabaab waxay dhowr jeer Itoobiya u soo direen fariimo hanjabaado ah oo ammaanka dalkeena ku wajahan"ayuu yiri Sarkaal qariyay magaciisa oo la hadlay Wargeyska Sudan Tribune ee ka soo baxa dalka Sudan.

Sidoo kale Sarkaalkan ayaa sheegay in diyaaradahan loo adeegsan doono ilaalinta xuduudaha ay la wadaan dalalka Eritrea, Sudan, Kenya iyo Soomaaliya, halkaasoo dowladda Itoobiya ka cabsi qabto in qatar xaga ammaanka ah kaga yimaadaan.

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay inay qeyb ka tahay sidii awooda ciidan ee dalka Itoobiya lagu horumarin lahaa, isla markaana Ciidamada Itoobiya ay noqdaan kuwo isu dheeli tiran, iyadoo xilligan Soomaaliya ay ka joogaan kumanaan askari oo ku sugan Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa taageerada ugu badan ka siiyo Itoobiya dhinaca tababarka, waxaana uu horay kula heshiiyay inuu ka gacan siiyo la dagaalanka Argagixisada geeska Afrika iyo Yemen.

Dhowr jeer oo hore ayaa Mareykanku u adeegsaday Soomaaliya diyaaradaha Drones-ka, waxaana uu ku dilay Saraakiil Ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegaa inuu yahay dal ay awoodiisa xaga ciidanka ay kor u sii socoto, waxaana Xukuumada ay ku bixisaa dhaqaalaha ugu badan dhismaha awooda ciidamada, gaar ahaan kuwa Milateriga ah.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada