Maxaad ka taqaan Wasiirka ugu awooda iyo Dhaq Dhaqaaqa badan Xukuumada Federaalka Soomaaliya(Daawo Sawirada)

Maxaad ka taqaan Wasiirka ugu awooda iyo Dhaq Dhaqaaqa badan Xukuumada Federaalka Soomaaliya(Daawo Sawirada)


Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo aqoondsaday Shakhsiga ugu awooda iyo Dhaq dhaqaaqa Badan Xukuumada Federaalka Soomaaliya uu Hogaamiyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid).

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ayaa u shaqeeya qaabab ka duwan Wasiirada kale ee Xukuumada isagoona Mararka qaar qabta shaqooyin ee leeyihiin Wasaarado kale balse isagu uu door bido in uu qabto maadaama uu awood badan Dowladan ku leeyahay aadna looga qadariyo.


Waxaa aad loo dhaliilay Shirar badan uu Wasiirku kaga qeyb galay Dalka Dibadiisa gaar ahaan Booqasho uu ka tagay Qaar kamid ah Dalalka Carabta xili ee joogaan Shaqooyinkaasina looga baahnaa qabashadeeda Wasiirada Arimaha Dibada iyo Kuxigeenadeeda iyo Wasiiro Dowladaha Arimaha Dibada.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeyb galay shir ka dhacay Dalka Switzerland oo looga Hadlayay ARimaha Dhaqaalaha xili ee Joogaan Shirkaasina ka qeyb galkiisa Xaq u lahaayeen Wasiirka Maaliyada iyo kuxigeenadiisa balse taa Badalkeena Waxaa shirkaasi Soomaaliya u matalay loona dirsaday Wasiirka Madaxtooyada.


Faarax Sheekh C/qaadir Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo aqoonasan yahay mid kamid ah Shaqsiyaadka ugu awooda badan Dowlada Federaalka Soomaaliya marka laga yimaad Madaxweynaha ,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo R/wasaaraha.



Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada waxa uu xubin Muhiim ah ka yahay Ururka Dam Jadiid iyo Xisbiga PDP uu Madaxweynaha Hogaamiyo waana shakhsiga la rumeesan yahay in uu Horseed u ahaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Doorashada kusoo baxo kuna taageeray Malaayiin lacag ah oo inta badan laga keenay Dalka Qadar oo Wasiiru Dowladaha aad iskugu dhawyihiin.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inta badan ku lamaansan Safarada uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu Baxo Dalka Dibadiisa ,iyadoona Xitaa kahor inta aan Faarax laga dhigin Wasiir uu Madaxweynaha u raacay Dhoor Safar.

Wasiiru Dowlaha ayaa sidoo kale loo aqoonsaday Shakhsiga labaad ee ugu safarada badan Wasiirada Xukuumada Soomaaliya marka laga soot ago Wasiirada Arimaha Dibada iyadoona inta badan Wasiir Faarax aan lagu arag Kulamada ee yeeshaan Golaha Wasiirada inta badana Safaro isaga u gaar ah ku maqan iyo kuwa ee Dowlada u dirto.


_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada