Cabdi Raxmaan Faroole oo sheegay in Axmed Cabdi Godane uu dilay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.

Cabdi Raxmaan Faroole oo sheegay in Axmed Cabdi Godane uu dilay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax.


Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntiland ayaa waxa uu saxaafada uga war bxiyay dilkii shalay loo geestay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax waxa uuna ku eedeeyay in uu ka danbeeyay Hogaamiyaha Shabaab ee Axmed Godane.

"Axmed Cabdi Godane,hogaamiyaha kooxda argagaxisada ah, ayaa dilay Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax, isaga ayaaa soo diray cunugga yar ee layiraahdo Cabdi Raxaman Xuseen Jaamac", Cabdi Raxmaan faroole, hogaamiyaha Puntiland ayaa yiri.

Sheekh Cabduulqaadir Nuur Faaxrax ayaa shalay waxaa kudilay irirda hore ee Masjid ku yaalla Garoowe wiil laba bastooladood watay oo lagu magacaabo Cabdi Raxaman Xuseen Jaamac kaas oo sida lasheegay qirtay dilka Sheekha kladib su'aalo ay police-ku weydiiyeen.

Cabdi Raxaman Xuseen Jaamac waxaa qabtay shacabka kadib markii uu khaarijiyay mid kamid ah mashaa'ikhda ugu caansanaa Soomaaliya oo dhan.

_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska 
ceelka@gmail.com 
www.warcadnet.blogspot.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada